RASMI: Real Betis Oo Amaah Kula Wareegtay Hector Bellerin

Daafaca middig ee Arsenal Hector Bellerin ayaa amaah hal xilli ciyaareed ah ugu biiray kooxda ka dhisan La Liga ee Real Betis, sida ay kooxdu xaqiijisay.

Halyeeyga Gunners, oo kooxda joogay muddo toban sano ah tan iyo waayihiisii dhallinyaranimada, ayaa u ambabaxay si uu uga cayaaro dalkiisa hooyo heer kooxeed markii ugu horreysay xirfadiisa.

Seddex jeer oo uu kula guuleystay FA Cup kooxda macalin Mikel Arteta, 26 jirkaan ayaa hadda London ka beddelan doona waxaana uu u beddelanayaa magaalada Seville wuxuuna Estadio Benito Villamarin ku iman doonaa heshiis amaah ah oo aan raacsanayn ikhtiyaari iibsi hal xilli-cayaareed.

Abdihakim Olad

Read Previous

Chelsea Oo Atletico Kala Heshiisay Saxiixa Saul

Read Next

RASMI: Garabka Arsenal Oo Amaah Hal Xilli-ciyaareed Ugu Biiray Feyenoord

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?