RASMI: Garabka Arsenal Oo Amaah Hal Xilli-ciyaareed Ugu Biiray Feyenoord

Xiddiga garabka uga ciyaara Arsenal Reiss Nelson ayaa amaah hal xilli ciyaareed ah ugu biiray kooxda reer Holland ee Feyenoord kaddib markii ay soo afjareen xiisihii ay u qabeen xiddiga Man United Amad Diallo.

Nelson, oo kulankiisii ugu horreeyay u saftay Gunners isagoo 17 jir ah fiinalkii Community Shield-ka 2017, ayaa is arkay inuusan boos ka heleynin kooxda tababare Mikel Arteta.

Hadda waa 21 jir, Nelson wuxuu horrey ugu riyaaqay amaah guul leh oo uu la qaatay kooxda Bundesliga ee Hoffenheim sannadkii 2018/19 wuxuu doonayaa in xilli-cayaareedkan si siddii hore ka wanaagsan uu ugu cayaaro kooxdiisa cusub ee reer Holland.

Abdihakim Olad

Read Previous

RASMI: Real Betis Oo Amaah Kula Wareegtay Hector Bellerin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?