Wolves Oo Ku Dhow Saxiixa Renato Sanches

Kooxda kubbada-cagta Wolves ayaa ku dhow inay heshiis amaah ah kula soo wareegto xiddiga qadka dhexe ee Lille Renato Sanches, sida laga soo xigtay Talksport.

24 jirkaan ayaa ku guuldareystay inuu isku muujiyo horyaalka Premier League-ga isagoo ka tirsan kooxda Swansea xilli ciyaareedkii 2017-18 laakiin tan iyo markaas wuxuu dib ugu soo nooleeyay waayihiisii cayaareed kooxda Lille, isagoo kula guuleystay horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedkii hore kahor inta uusan wacdaro ka dhigin tartankii Euro 2020 oo uu metelayay xulkiisa Portugal.

24 jirkaan ayaa si fiican u garan doona tababaraha Wanderers Bruno Lage isagoo soo maray akadeemiga Benfica halka Lage uu mas’uul ka ahaa kooxda dhalinyarada ee kooxda reer Portugal.

Wararkii ugu dambeeyay aya ahaatan ku waramaya inuu Renato qarka u saaran yahay inuu dhammeystiro kusoo noqoshodiiisa horyaalka heerka 1aad ee Ingiriiska.

Abdihakim Olad

Read Previous

Camavinga Oo Tijaabada Caafimaad U Maraya Real

Read Next

Barca Oo Ku Dhow Saxiixa Edinson Cavani

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?