Wadahadaladii Chelsea Ee Kounde Iyo Saul Oo Burburay

Blues waxay u muuqataa mid aan u badnayn inay samayso wax saxiixyo ah maanta oo ah maalinta ugu dambeeysa ee suuqa xagaaga, kaddib markii uu burburay heshiisyadii u furnaa oo ay ku dooneysay daafaca Sevilla Joules Kounde iyo khadka dhexe ee Atletico Madrid Saul Niguez.


Rajada Chelsea ee ah saxiixyo cusub suuqa kala iibsiga maanta ayaa ruxday qalbiyada jamaahiirta kooxda kaddib markii ay soo ifbaxeen warka ku xeeran xiisahooda xiddiga Atletico Madrid Saul Niguez iyo bartilmaameedkoodii xagaaga oo dhan ee Jules Kounde oo Sevilla ah.

Chelsea ayaa heshiis shaqsi la gaartay Saul balse waxay ka aamustay dalabkii Atletico ee saxiixiisa oo ah £ 34 milyan (€ 40m) si ay u hesho 26 jirka.

Dhanka kale, shir jaraa’id oo uu ku qabtay Seville, agaasimaha kooxda Monchi ayaa xaqiijiyay in Chelsea ay seegtay fursad muhiim ah oo wadahadal iyadoo ay tahay inay hadda bixiso €80m (£ 68m) oo lagu burburin karo qandaraaska Kounde.

Abdihakim Olad

Read Previous

Maitland-Niles Oo Laga Saaray Tababarka Arsenal Kaddib Markii Loo Diiday Ku Biirista Everton

Read Next

Camavinga Oo Tijaabada Caafimaad U Maraya Real

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?