TOOS: Wararka Suuqa Kala-iibsiga Maalinta Ugu Dambeysa Xagaaga 2021

Suuqa kala-iibsiga xagaaga 2021 ayaa ahaa mid kamid ah daaqadaha ugu layaabka badan, iyadoo Lionel Messi uu kasoo dhaqaaqay Barcelona kuna biiray PSG halka Cristiano Ronaldo uu dib ugu laabtay Manchester United.

Iibsiga Ronaldo ayaa ku qasbaysa kooxaha qaar ee Premier League-ga inay sameeyaan dhaq dhaqaaqyo kale inta uusan xirmin suuqa.

Camavinga ayaa ku biiraya Real, Barca ayaa lasoo wareegi karta Edinson Cavani, Arsenal waxay la soo wareegi kartaa daafaca Bologna Takehiro Tomiyasu

Manchester United, Arsenal, Liverpool, Chelsea, iyo Tottenham ayaa laga yaabaa inay dhammaantood ku lug yeeshaan qaar kamid ah heshiisyada daqiiqadaha ugu dambeeya iyadoo daaqaddu suuqa kala-iibsiga ee xagaagan ay soo xirmeyso caawa 1da saqda-dhexe.

FG: Refresh dheh bogga si aad ulasocoto wararka daqiiqadihii ugu dambeeyay.

KOOBAN

  • Man Utd ayaa xaqiijisay inuu halyeeyga kooxda Cristiano Ronaldo kaga soo laabtay Juventus iyagoo kula wareegay £12.86 milyan.
  • Odsonne Edouard ayaa ku biiray Crystal Palace ; Chelsea ayaa ka shaqeyneysa heshiiska ciyaaryahanka Atletico Saul Niguez
  • Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ceyrsaneyso daafaca Bologna Takehiro Tomiyasu; Spurs ayaa kula soo wareegtay daafaca Barcelona Emerson Royal £25.75 milyan
  • Leeds ayaa heshiis 30 milyan oo ginni ah kula soo wareegtay Daniel James oo ka tirsanaa Man Utd iyadoo Leicester City ay amaah kula soo wareegtay Adremola Lookman
  • Eduardo Camavinga oo ka tirsanaa Rennes ayaa haatan u wareegay kooxda Real Madrid laakiin heshiiskii ay Real kula soo wareegi lahayd Kylian Mbappe ayaan u muuqan mid suuragal ah
  • Atletico Madrid ayaa Griezmann kala soo saxiixatay Barcelona

01:00: DHAMMAAD – SUUQA KALA-IIBSIGA XAGAAGA 2021 SI RASMI AH AYUU USOO XIRMAY

SUUQA WUU XIRMAY BALSE WAXAA JIRA SAXIIXYO OO LA SUGAYO IN LAGU DHAWAAQO. KALA SOCO BOGGA HORE OO TAABBO LIFAAQA KORE. WAAD KU MAHADSANTAHAY INTA AAD NALA JOOGTAY.

00: 59: Schalke oo Mallorca kala soo saxiixatay Mathew Hopp

00:56: Tottenham oo burburisay qandaraaskii uu Aurier kula jiray kooxda

Naadiga ayaa xaqiijisay bixitaanka Serge Aurier kaddib markii labada dhinac ay wada joojiyeen qandaraaska.

00:36: Real Betis ayaa amaah kula wareegtay daafaca middig ee kooxda Arsenal Hector Bellerin

Faahfaahin

Sidoo kale garabka Gunners Reiss Nelson ayaa isna heshiis amaah ah ugu biiray kooxda Feyenoord ee reer Holland

Faahfaahin

00:31: Arsenal ayaa heshiis 19.8 milyan oo ginni ah la gaartay daafaca Bologna Takehiro Tomiyasu iyadoo Hector Bellerin uu ku dhow yahay inuu u dhaqaaqo Real Betis

Hector Bellerin and Takehiro Tomiyasu

00:27: Arsenal oo dooneeysa Asensio

Arsenal transfer news: Marco Asensio demands emergency talks with Real  Madrid following Gunners interest

Arsenal ayaa qorsheynaysa inay si lama filaan ah ula soo wareegto kubbadsameeyaha Real Madrid Marco Asensio, kaasoo aan ka dhex muuqan qorshaha Carlo Ancelotti waxaana lagu heli karaa £ 34 milyan

00:23: Gomes oo amaah ku aaday Barnsley

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Claudio Gomes ayaa amaah hal xilli ciyaareed ah ugu biiray kooxda Barnsley ee ka ciyaarta Championship-ka Ingiriiska.

00:20: Odsonne Edouard ayaa ogolaaday heshiis shan sano ah kahor inta uusan £ 14m uga soo wareegin Celtic isagoo ku biiraya kooxda Patrick Viera ee Crystal Palace

00:05: Atletico Madrid oo Griezmann kala soo saxiixatay Barcelona

00:00: Waxaa suuqa kala iibsiga cayaartooyda ee qaaradda Yurub xagaagan keliya ka harsan 60 daqiiqo.

kooxaha qaar ayaa la filayaa inay saxiixyo sameeyaan, kuwo ayaa laga yaabaa inay ku dhawaaqaan saxiixyo lama filaan ah iyadoo inta badan kooxuhu ay marhore ka dukaameeysteen suuqa. Nala Joog.

23:55: West Ham oo lasoo wareegtay Kral

23:32: Arsenal oo Runnarson amaahisay Leuven

22:46: Cayaaryahanka u dhashay dalka Mareykanka ee Chrism Richards ayaa kusoo laabtay kooxda Hoffenheim isagoo amaah hal xilli-ciyaareed uga yimid Bayern Munich , kaddib markii uu kooxda la qaatay ololihii 2020-21.


Bayern ayaa ku dhawaaqday in qandaraaska 21 jirkaan sidoo kale la kordhiyay ilaa 2025 ✍️

May be an image of 1 person and text that says 'adidas BAY FIFA 2020 UNCHEN'

21:10: Real oo dalab kale ka gudbisay Mbappe iyo PSG oo durbaba soo diiday

Kylian Mbappe

Paris Saint-Germain ayaa diiday dalabkii ugu dambeeyay ee Real Madrid oo qiimihiisu yahay ‘in ka badan € 220 milyan una dhiganta (£ 189 milyan)’ oo ay ku doonayeen Kylian Mbappe , inkastoo weeraryahanka qandaraaskiisu uu dhacayo sannadka dambe, sida ay wararku sheegayaan.

21:49: Chelsea oo kala heshiisay Athletico saxiixa Saul Niguez

Chelsea ayaa ogolaatay inay heshiis amaah ah kula soo wareegto xiddiga qadka dhexe ee Atletico Madrid kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga. DHEERAAD

21:32: Saul Niguez saxiix fiican ayuu u noqon doonaa Chelsea haddii ay la wareegto

In ay lasoo saxiixdaan Saul Niguez waxay Chelsea u noqonaysaa saxiix aad u fiican. waxay durbaba heystaan koox adag haddii ay tayada Saul kusoo kordhiyaan waxay Chelsea u noqon doontaa ganacsi xagaageed oo guul leh.

21:26 : Bournemouth oo Lowe kala soo wareegtay Swansea

Bournmouth

Kooxda heerka labaad ee Ingiriiska Bournemouth ayaa la soo wareegtay weeraryahan Jamaal Lowe oo kaga yimid Swansea lacag aan la shaacin isagoo saxiixay heshiis laba sano ah.

21:25: Chelsea oo Venezia amaahisay Ampadu

20:58: Tottenham oo xaqiijisay imaanshaha Emerson Royal

20:55: Giakoumakis oo u saxiixay Celtic

20:53: Antonio Nuse oo u dhaqaaqay Brugge

20:40: Milan oo la wareegtay Messias

Amatör ligden İtalya'nın zirvesine: Junior Messias ligde kalacak | Goal.com

Milan ayaa heshiis amaah ah kula soo wareegtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Crotone Junior Messias iyadoo dooq u haysata inay iibsato, Fabrizio Romano.

20:24: Griezmann oo dib ugu laabanaya Atletico Madrid

Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa ku jira wadahadalo ku saabsan sidii Griezmann dib loogu celin lahaa magaalada Madrid kahor inta uusan xirmin suuqa kala-iibsiga cayaartooyda, waa sidda ay Goal rumeysantahay.

20:00 Rasmi: Real Madrid Oo La Wareegtay Camavinga

(Faahfaahin)

19:13: Faahfaahin kasoo baxday heshiiska ay Leeds kula wareegtay Daniel James

Halkan ka aqriso

18:45: RASMI: Leeds United ayaa Manchester United kala wareegtay cayaaryahan Daniel James.

James ayaa heshiis shan sano ah oo lacag aan la shaacin ah ugu biiray kooxda Leeds.

18:30: Granada oo la wareegtay da’yarkii City

Kooxda Granada ayaa xaqiijisay saxiixa da’yarkii kooxda Manchester City Alpha Dionku kaasoo qalinka ugu duugay heshiis 4 sanno ah. DHEERAAD

18:17: Newcastle oo ku dhawaaqday saxiixooda cusub ee Munos

18:04: Juventus ayaa dhammeystirtay saxiixa Ihattaren oo ka yimid PSV waxayna amaah ku siisay Sampdoria

Mohamed Ihattaren ayaa Juventus kaga soo biiray PSV heshiis shan sano ah.

Kooxda ka ciyaarta Serie A ayaa islamarkii ay dhammeeystirtay saxiixiisa amaah ku siisay Sampdoria inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

17:36: Jerome Boeteng Oo Ku Biiraya Lyon

Jerome Boateng ayaa qarka u saaran inuu si xor ah ugu biiro Lyon, sida laga soo xigtay Fabrizio Romano.

Daaficii hore ee Bayern Munich ayaa ahaa wakiil xor ah tan iyo dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu hadda ogolaaday inuu u dhaqaaqo kooxda Ligue 1-ka, iyadoo kaliya loo baahan yahay baaritaan caafimaad kahor inta aan heshiiska lagu dhawaaqin.

Nasiib darro , taasi waxay Boateng uga dhigan tahay inuu mar kale kahor imaan doono Lionel Messi…

17:28: Barcelona oo Athletico usoo bandhigtay in ay is dhaafsadaan Griezman iyo Felix

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Barcelona ayaa isku dayday xilli dambe si ay Antoine Griezmann ugu beddelato Joao Felix. DHEERAAD

17:01: Barcelona oo ku dhow saxiixa Edinson Cavani

Barcelona ayaa qarka u saaran saxiixa weeraryahanka Manchester United Edinson Cavani, sida ay ku waramayaan wararkii ugu dambeeyay. DHEERAAD

16:55: Wilshere oo tabababar la qaadanayaa kooxda Serie B-da Talyaaniga ee Como

Jack Wilshere ayaa weli raadinaya koox cusub oo uu ku biiro xilli ciyaareedkan.

Ciyaaryahankii hore ee Arsenal iyo West Ham ayaa lagu heli karaa beeca xorta ah kaddib markii ay iska fasaxday kooxda Bournemouth laakiin ma uusan awoodin inuu soo jiito indhaha kooxaha dalkiisa Ingiriiska.

Waxa uu haatan tababar la qaadanayaa kooxda Serie B-da Talyaaniga ee Como, laakiin kuma biiri karo kooxdaas sababtoo ah waxaa qabanaya xeer ka hor istaagaya inay la soo wareegaan ciyaartoy aan ka tirsanayn Midowga Yurub.

16:44: Ihattaren ayaa ka tegay PSV kuna biiray Juventus

Mohamed Ihattaren ayaa ka tagay PSV kuna biiray Juventus.

Kooxda reer Holland ayaa xaqiijisay iibinta ciyaaryahanka qadka dhexe ee weerarka, kaasoo la filayo inuu amaah ugu biiro Sampdoria xilli ciyaareedkan.

16:23: Arsenal ayaa wadahadalo kula jirta Bologna si ay ugala saxiixato Tomiyasu

Dambeedka middig ama kan dhexe ee kooxda Bologna Takehiro Tomiyasu ayaa laga yaabaa inuu maanta u dhaqaaqo Arsenal.

Wararka ayaa sheegaya in Gunners ay wadahadalo kula jirto saxiixiisa iyada oo doonaysa inay xoojiso dookhyadeeda daafac, laakiin waxay u baahan tahay in ciyaartoy qaar ay iska iibiyaan kahor inta aysan heshiiska dhammeystirin.

16:10: Wolves oo ku dhow Renato Sanches

Wolves ayaa ku dhow inay heshiis amaah ah kula soo wareegto xiddiga qadka dhexe ee Lille Renato Sanches, sida laga soo xigtay Talksport. DHEERAAD

16:05: Sheffield Utd ayaa ku dhow goolhayihii hore ee Everton Olsen

Robin Olsen is close to join Sheffield United from AS Roma, here-we-go soon. He’s expected to be Ramsdale replacement, deal agreed on one-season loan. 🔴🇸🇪 #DeadlineDay— Fabrizio Romano (@FabrizioRomano) August 31, 2021

Wariye Fabrizio Romano ayaa ku waramaya ” Robin Olsen wuxuu ku dhow yahay inuu ku biiro Sheffield United isagoo ka imanaya AS Roma. here-we-go soon. Waxaa la filayaa inuu noqdo beddelka Ramsdale heshiiska lagu heshiiyay ayaa ah amaah hal xilli ciyaareed .

15:56: Getafe ayaa amaah uga soo qaadatay Florentino Luis kooxda Benfica

15:51: Burnley ayaa dhammeystirtay saxiixa daafacii Swansea Connor Roberts

15:42: Weeraryahankii hore ee Arsenal Perez ayaa ku biiray Elche

15:31: Wadahadaladii Chelsea ee Kounde iyo Saul oo Burburay

Chelsea can miss both Saul and Kounde

Blues waxay u muuqataa mid aan u badnayn inay samayso wax saxiixyo ah maanta oo ah maalinta ugu dambeeysa ee suuqa xagaaga, kaddib markii uu burburay heshiisyadii u furnaa oo ay ku dooneysay daafaca Sevilla Joules Kounde iyo khadka dhexe ee Atletico Madrid Saul Niguez. DHEERAAD

15:29: Hector Bellerin oo qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Real Betis

Hector Bellerin | In my own words | Feature | News | Arsenal.com

Hector Bellerin ayaa qarka u saaran inuu dhammaystiro ku biiritaankiisa kooxda Real Betis

Shirt “funaanadaydii ugu horreysay waxay ahayd Betis sababtoo ah aabbahay wuxuu ahaa taageere kooxda Verdiblanco. Way igu adkayd inaan taageero koox kale.”

15:17: Burnley oo wadahadalo ku aaddan Connor Roberts kula jirta Swansia

Connor Roberts | One to Eleven | Swansea

Burnley ayaa wadahadalo la furtay Swansea oo ku saabsan heshiiska daafaca dambeedka middig Connor Roberts, sida laga soo xigtay Wales Online.

Roberts wuxuu kamid ahaa ciyaartoydii ugu fiicneyd Swansea xilli ciyaareedkii hore laakiin ma uusan ciyaarin ololahan kaddib markii uu dhaawac gumaarka ah soo gaaray isagoo metelaya xulkiisa Wales Euro 2020 uuna u baahday qaliin, inkasta oo uu tan iyo markaas dib u bilaabay tababarka.

15:11: Eduardo Camavinga ayaa maray tijaabada caafimaadka si uu ugu biiro Real Madrid

Here's Why Real Madrid Want To Sign Eduardo Camavinga ⚪ - YouTube

Xiddiga Rennes Eduardo Camavinga ayaa tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Real Madrid kahor inta aan lasoo bandhigin, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya France.

Camavinga ayaa si weyn loogu tiriyaa inuu yahay mid kamid ah xiddigaha mustaqbalka wanaagsan leh ee qadka dhexe ee kubbada cagta Yurub waxaana 18 jirkan si aad ah loola xiriiriyay kooxo badan oo Premier League ah, oo ay ku jiraan Manchester United, Chelsea iyo Arsenal.

15:09: Lazio oo ku dhow heshiiska Zaccagni

Lazio ayaa kusii dhowaanaysa inay heshiis waqti dambe ah la gasho ciyaaryahanka khadka dhexe ee Verona Mattia Zaccagni, sida ay warinayso Sky Italia.

Heshiiska 26 jirka ayaa ku kacaya 7 milyan oo yuuro, oo lagu daray 2 milyan oo dheeri ah oo gunno ah.

Zaccagni ayaa 145 kulan u saftay Verona tan iyo markii uu kaga soo biiray Bellaria Igea sanadkii 2013.

15:04 : Sevilla oo bartilmaameedka Chelsea ee Kounde ku dalbaneysa 70 milyan oo yuuro

Profiling reported Spurs and Chelsea transfer target Jules Koundé

Blues waa inay kordhisaa dalabkeeda haddii ay dooneyso inay hesho daafaca Sevilla

Sevilla ayaa iska diiday dalab ku kacaya 55 milyan oo u dhiganta (£ 47m/$ 64m) oo ay Chelsea ka doonaysay Jules Kounde, sida uu sheegay saxafiga L’Equipe , Nabil Djellit.

15:01 : Ronaldo ayaa ku farxay soo laabashadii Man Utd

Cristiano Ronaldo ayaa wadaagay sida uu ugu faraxsan yahay inuu ku laabto Manchester United kaddib markii ay kooxdu si rasmi ah u xaqiijisay in heshiiska lasoo gabagabeeyay maanta oo ah maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala-iibsiga xagaaga. DHEERAAD.

14:23: Man Utd ma iibin doonto Cavani oo lala xiriirinayo Barca

13:00 : AJAX ayaa ku dhawaaqday saxiixa amaahda ee xiddiga Anderlecht Lisandro Magallan

12:54: Jones weli wuxuu ku jiraa qorshayaasha Solskjaer

Phil Jones ayaa weli ku jira qorshaha macalin Ole Gunnar Solskjaer ee Manchester United xilli ciyaareedkan, sida ay qortay ESPN.

29 jirkaan ayaan u ciyaarin Red Devils tan iyo bishii Janaayo 2020 dhaawacyo darteed, laakiin lama iibin doono kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga caawa.

Jones wali laba sano ayaa uga hartay qandaraaskiisa haatan, Solskjaer ayaana ka doonaya inuu dabool ka bixiyo marka ololaha 2021-22 uu socdo.

12:40: Maitland-Niles Oo Laga Saaray Tababarka Arsenal Kaddib Markii Loo Diiday Ku Biirista Everton

Xiddiga kooxda Arsenal ee Ainsley Maitland-Niles ayaa laga saaray tababarka kooxda koowaad kaddib markii ay Gunners hor istaagtay rajadii uu ka qabay in uu ku biiro kooxda Everton.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee England U21 ayaa rajeynayay inuu u dhaqaaqo Goodison Park maadaama uu aad u doonayo inuu u ciyaaro kooxda koowaad xilli ciyaareedka soo socda. DHEERAAD.

12:37 :Mbappe Oo Lagu Wado Inuu Sii Joogo PSG

Mbappe Oo Lagu Wado Inuu Sii Joogo PSG

Kylian Mbappe ayaa hadda u muuqda mid sii joogi doona Paris Saint-Germain inta ka dhiman xilli ciyaareedkan, iyadoo kooxda reer France ay iska indho tirayso horumararada Real Madrid oo ay ka door biday inay halis geliso inay weraryahanka ku weyso beeca xorta ah sannadka dambe. DHEERAAD

Abdihakim Olad

Read Previous

10 Nin Oo Chelsea Oo Barbarro Kasoo Qaatay Anfield

Read Next

Cristiano Oo Afka Furtay Markii United Ay Xaqiijisay Soo Laabashadiisa

2 Comments

  • Waa mahadsantihn garsoore

  • arsenal mala wareegtay shiineeski?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?