RASMI: Real Oo La Wareegtay Camavinga (Faahfaahin)

Real Madrid ayaa ku dhawaaqday inay la soo wareegtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Faransiiska Eduardo Camavinga kaas oo lagu soo waramayo inay ku iibsatay 30 milyan oo euro.

Camavinga, oo 18 jir ah, ayaa ka tagaya Stade Rennais isagoo kaliya hal sano ay uga harsan tahay heshiiska uu kula jiro kooxda Faransiiska. Wuxaana Los Blancos uu u saxiixay heshiis lix sano ah.

Wareejintaani waxay kasoo baxday meel aan la fileynin. In kasta oo weriye kasta iyo taageere kasta oo kubbada-cagta ay diiradda saarayeen dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ku saabsanaa sheekada Mbappe, Canal Plus France ayaa werisay warka ah in Real Madrid iyo Rennais ay ku jiraan wadahadallo horumarsan oo ku saabsan Camavinga. Goor dambe, warkaas waxaa xaqiijiyay warbaahinta Spain, tijaabada caafimaadka ayuu maanta maray goordhowna heshiiska ayaa la xaqiijiyay.

Camavinga waa xiddig qadka dhexe oo saafi ah oo la tartami doona Kroos, Modric iyo Valverde. Doorka uu ku leeyahay kooxda 2021-2022 ma cadda maaddaama ay hubaal tahay inuu ka dambayn doono dhammaan ciyaartooydaas, sidaa darteed waa inuu sii wadaa horumarintiisa cayaareed kahor inta uusan dhab ahaan u noqon ciyaartoy muhiim u ah Real Madrid.

Abdihakim Olad

Read Previous

RASMI: Daniel James Oo Ku Biiray Leeds United (Faahfaahin)

Read Next

Chelsea Oo Atletico Kala Heshiisay Saxiixa Saul

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?