RASMI: Daniel James Oo Ku Biiray Leeds United (Faahfaahin)

Leeds ayaa ku dhawaaqday inay la soo wareegtay Daniel James oo ay kala soo wareegtay Manchester United maalinta ugu dambeeysa ee suuqa kala-iibsiga xagaaga.

James, oo 23 jir ah, ayaa tijaabada caafimaadka u maray Leeds horraantii maanta kahor inta uusan ku biirin xulkiisa Wales oo tababar ku qaadanaya xeradooda tababarka ee Finland.

Shuruudaha shaqsiyeedka ayay si dhakhso ah u ogolaadeen Leeds taasoo markii dambe heshiis la gashay Manchester United.

Xiddigan garabka ka xamaasha ayaa ugu dhaqaaqaya Elland Road adduun dhan 25 milyan oo ginni.

Orodyahanka reer Wales ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sano ah oo uu ku joogayo galbeedka Yorkshire.

Wuxuu kooxdiisa cusub u xiran doonaa nambarka 20aad.

Abdihakim Olad

Read Previous

Henderson Oo Heshiis Cusub U Saxeexay Reds

Read Next

RASMI: Real Oo La Wareegtay Camavinga (Faahfaahin)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?