Maitland-Niles Oo Laga Saaray Tababarka Arsenal Kaddib Markii Loo Diiday Ku Biirista Everton

Xiddiga kooxda Arsenal ee Ainsley Maitland-Niles ayaa laga saaray tababarka kooxda koowaad kaddib markii ay Gunners hor istaagtay rajadii uu ka qabay in uu ku biiro kooxda Everton.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee England U21 ayaa rajeynayay inuu u dhaqaaqo Goodison Park maadaama uu aad u doonayo inuu u ciyaaro kooxda koowaad xilli ciyaareedka soo socda.

24 jirkan ayaa qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore amaah ku qaatay West Brom wuxuuna si cad ugu sheegay Mikel Arteta inuu doonayo inuu ka tago Gunners haddii uu kaliya qeyb ka noqon doonin kooxda macalinka reer Spain.

Dalabka Everton wuxuu ahaa amaah hal xilli ciyaareed ah oo ay dheertahay ikhtiyaar ah in ay iibsan karaan sannadka 2022 laakiin Arsenal ayaa diiday dalabka waxayna Mirror sheeganeysaa in ciyaaryahanka khadka dhexe tan iyo markii loo sheegay inuusan tababarka la qaadan doonin kooxda koowaad.

Iyada oo suuqa kala iibsiga uu xirmayo caawa, Arsenal waa inay go’aansataa haddii ay ku ciqaabeyso bixitaankii uu doorbiday ama inay sii haysato ciyaaryahan Maitland-Niles oo aan faraxsaneyn illaa ugu yaraan bisha Janaayo.

Everton ayaa dib u soo celin karta xiisihii ay u qabtay xiddigan waxaana laga yaabaa in Gunners ay raadinayso heshiis joogto ah kahor inta aysan 24 jirka u oggolaan inuu baxo.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa sheegay in aan ‘laga doonayn’ Arsenal isla markaana uu si fudud u doonayay inuu ka ciyaaro kooxda koowaad meel kale.

Maitland-Niles ayaa bartiisa Instagram-ka kusoo qoray ” Waxa kaliya oo aan rabo waa inaan tago meesha la iga rabo iyo meesha aan ka ciyaari doono.”

Abdihakim Olad

Read Previous

Mbappe Oo Lagu Wado Inuu Sii Joogo PSG

Read Next

Wadahadaladii Chelsea Ee Kounde Iyo Saul Oo Burburay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?