Henderson Oo Heshiis Cusub U Saxeexay Reds

31 jirkaan ayaa raacay wadadii Van Dijk, Alisson, Robertson, Fabinho iyo Alexander-Arnold isagoo mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Liverpool.


Kabtanka kooxda Liverpool Jordan Henderson ayaa soo afjaray wararkii la isla dhexmarayay warbaahinta ee ku aadanaa mustaqbalkiisa isagoo saxiixay heshiis cusub oo afar sano ah.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa noqonaya xubintii ugu dambeysay ee kooxda Jurgen Klopp ee mustaqbalkiisa fog u hibeeya Reds, isagoo raacay wadadii saaxiibadiisa Virgil van Dijk, Alisson Becker, Trent Alexander-Arnold, Fabinho iyo Andy Robertson.

Henderson ayaa yimid Anfield isagoo ka yimid Sunderland sanadkii 2011, heshiiskiisa cusub ayaana kusii hayn doona Merseyside ilaa xagaaga 2025.

Abdihakim Olad

Read Previous

Rasmi: Da’yarkii City Oo Ku Biiray Granada

Read Next

RASMI: Daniel James Oo Ku Biiray Leeds United (Faahfaahin)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?