Cristiano Oo Afka Furtay Markii United Ay Xaqiijisay Soo Laabashadiisa

Cristiano Ronaldo ayaa wadaagay sida uu ugu faraxsan yahay inuu ku laabto Manchester United kaddib markii ay kooxdu si rasmi ah u xaqiijisay in heshiiska lasoo gabagabeeyay maanta oo ah maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala-iibsiga xagaaga.

Red Devils ayaa ku dhawaaqday inay Juventus kala heshiisay qiimaha xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or galabnimadii Jimcaha, inkastoo heshiiska uu ku xirnaa shuruudo shaqsiyeed oo la isku afgartay iyo baaritaan caafimaad.

Ronaldo ayaa la rumeysan yahay inuu si weyn u dhimey mushaarkii uu ka qaadanayay Juve markii uu usoo wareegay United, inkasta oo uu weli noqon doono ciyaaryahanka ugu mushaarka badan Premier League-ga, halka uu maray tijaabada caafimaadka isagoo xiran midabadda United dhammaadkii isbuucan.

Cristiano Ronaldo speaks out for first time on Manchester United return as club confirm transfer

Subaxnimadii hore ee maanta(Talaado) kooxda Talyaaniga ayaa xaqiijisay in talaabadii ugu dambeeysay ee bixitaanka Ronaldo ay dhaqangashay, iyadoo United ay oggolaatay inay bixiso € 5million (£ 12.8m) oo lagu daray € 8m (£ 6.8m).

Haatan United ayaa sidoo kale xaqiijisay heshiiska Ronaldo, iyadoo 36 jirkaan uu ku laabanayo Old Trafford kaddib 12 sano oo uu ka maqnaa, wuxuuna aad ugu faraxsan yahay inuu ku soo laabto kooxdii uu ku noqday mid kamid ah ciyaartoydii ugu weyneyd kubadda-cagta.

‘Manchester United waa koox mar walba qalbigeyga ku lahayd boos qaas ah, waxaana i qabsaday dhammaan fariimihii aan helay tan iyo markii lagu dhawaaqay Jimcihii,’ ayuu yiri Ronaldo.

‘Ma sugi karo inaan ku ciyaaro Old Trafford horteeda garoon buuxa oo aan mar kale arko taageerayaasha oo dhan.’ ayuu yiri Ronaldo

‘Waxaan rajaynayaa inaan ku biiro kooxda ka dib kulamada caalamiga ah, waxaana rajaynayaa inaan soo qaadano xilli ciyaareed aad u wanaagsan.’

Weeraryahanka ayaa u saxiixay Red Devils qandaraas labo sano ah, iyadoo ay jirto fursad uu ku heli karo mid seddexaad, kooxda ayaana weli xaqiijin lambarka uu xiran doono iyadoo la isla dhexmarayo inay codsi gaar ah u gudbin doonaan Premier League si loogu ogolaado Edinson Cavani. si uu u wareejiyo maaliyada No.7.

Ronaldo ayaa lix sano ku qaatay United markii ugu horreysay ee uu kooxda la joogay, isagoo kula guuleystay saddex horyaal oo Premier League ah, Champions League iyo kan ugu horreeya shantiisii abaalmarin ee Ballon d’Or.

Abdihakim Olad

Read Previous

TOOS: Wararka Suuqa Kala-iibsiga Maalinta Ugu Dambeysa Xagaaga 2021

Read Next

Mbappe Oo Lagu Wado Inuu Sii Joogo PSG

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?