Chelsea Oo Atletico Kala Heshiisay Saxiixa Saul

Chelsea ayaa ogolaatay heshiis ay kula soo saxiixaneyso xiddiga qadka dhexe ee Atletico Madrid Saul Niguez oo ah amaah billow ah oo ay dheertahay ikhtiyaari ay toos ula saxiixan karto amaahda kaddib.

Heshiiska ayaa lagu wadaa in la dhammeeystiro saacadaha soo aaddan kahor inta uusan soo idlaan suuqa kala-iibsiga ee xagaaga caawa 1da habeenimo XGA.

Ilo wareedyo ku sugan Spain ayaa u sheegay Sky Sports in Chelsea, Atletico iyo ciyaaryahan Saul ay wada gaareen heshiis guud oo ku aaddan iibka inuu dhaco habeenka talaadada waxayna si adag uga shaqeynayaan si loo hubiyo in heshiiska la gaaro kahor inta aysan daaqada suuqa kala iibsiga xirmin.

Chelsea ayaa bixin doonta £ 3.4m (€ 4m) oo amaah ah waxayna fursad u heli doontaa inay ku iibsato xiddiga reer Spain £ 30m (€ 35m) xagaaga soo aaddan.

Abdihakim Olad

Read Previous

RASMI: Real Oo La Wareegtay Camavinga (Faahfaahin)

Read Next

RASMI: Real Betis Oo Amaah Kula Wareegtay Hector Bellerin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?