Camavinga Oo Tijaabada Caafimaad U Maraya Real

Xiddiga Rennes Eduardo Camavinga ayaa tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Real Madrid kahor inta aan lasoo bandhigin, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya France.

Camavinga ayaa si weyn loogu tiriyaa inuu yahay mid kamid ah xiddigaha mustaqbalka wanaagsan leh ee qadka dhexe ee kubbada cagta Yurub waxaana 18 jirkan si aad ah loola xiriiriyay kooxo badan oo Premier League ah, oo ay ku jiraan Manchester United, Chelsea iyo Arsenal.

Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale dadaal xoogan ugu jirtay sidii ay ku heli lahayd saxiixa Camavinga xagaagan, laakiin da’yarkan baadigoobka badan loogu jiray ayaa u muuqda mid ku sii jeeda Bernabeu.

Canal Plus ayaa sheeganeysa in kooxda La Liga ka dhisan ay heshiisyo la gashay Rennes iyo Camavinga, iyadoo ay u harsan tahay kaliya tafaasiil kooban si loo soo gabagabeeyo kaddib tijaabada caafimaadka ee xiddiga reer France.

Abdihakim Olad

Read Previous

Wadahadaladii Chelsea Ee Kounde Iyo Saul Oo Burburay

Read Next

Wolves Oo Ku Dhow Saxiixa Renato Sanches

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?