Barca Oo Ku Dhow Saxiixa Edinson Cavani

Xiddiga Man Utd ayaa u muuqda inuu u jewi beddelanayo garoonka Camp Nou

Barcelona ayaa qarka u saaran saxiixa weeraryahanka Manchester United Edinson Cavani, sida ay ku waramayaan wararkii ugu dambeeyay.

Wadahadaladii u dhaxeeyay labada naadi ee ku saabsanaa heshiiska joogtada ah ee xiddiga reer Uruguay ayaa durba maraya meel heer sare ah, laakiin waxaa weli harsan tafaasiil dheeri ah oo ay tahay in la dhammeystiro.

Waxaa la soo jeediyay in Cavani waqtigiisii cayaareed ee United la dhimi doono kaddib markii Cristiano Ronaldo uu kaga soo biiray Juventus, Barca ayaana u baahan inay xoojiso weerarkeeda kaddib markii ay lumisay Lionel Messi waxayna maanta bartilmaameed weyn ka dhigatay Cavani.

Abdihakim Olad

Read Previous

Wolves Oo Ku Dhow Saxiixa Renato Sanches

Read Next

Barca iyo Atletico Oo Is Dhaafsanaya Griezmaan-Felix

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?