U Dhaqaaqistii Chelsea Ee Saul Niguez Oo Burburay

Iskudaygii Chelsea ee ahaa inay Saul Niguez kala soo wareegto Atletico Madrid kahor inta aan la gaarin waqtigii suuqa kala iibsiga Talaadada ayaa lagu soo waramayaa inuu burburay.


Kooxda heysata Champions League ayaa loo maleynayay inay ku dhowdahay heshiis amaah ah oo ay kula soo wareegeyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid waxaana la sheegay inay heshiis la gaareen Atletico, iyadoo la sugayay in lacagtii ugu dambeysay ee heshiiska joogtada la xalin.

Si kastaba ha ahaatee, 90min ayaa soo warinaysa in wadahadaladii u dhexeeyay Chelsea iyo Saul ay hadda burbureen kaddib markii tababare Thomas Tuchel uu awoodi waayay inuu u dammaanad qaado xiddiga reer Spain waqti uu kaga ciyaarayo Stamford Bridge.

Saul ayaa xubin muhiim ah ka ahaa kooxda Diego Simeone ee Atletico Madrid tan iyo markii loo dalacsiiyay kooxda koowaad sanadkii 2012, laakiin waxaa loo sheegay inuu xor u yahay inuu ka tago xagaagan.

Manchester United ayaa sidoo kale lala xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso 26 jirkaan, iyadoo xiiso dheer u haysay saxiixiisa waxayna ka dhigtay saxiixa xiddig qadka dhexe ah mid kamid ah waxyaabaha ay mudnaanta koowaad siinayaan xagaagan.

Waxaa macquul ah in United ay saxiixiisa u dhaqaaqdo ilaa talaadada ama uu iska sii joogo kooxdiisa Madrid haddii uu waayo daneeye-yaal kale.

Abdihakim Olad

Read Previous

Thiago Silva: Waan Ka Xanaaqay Inay PSG Lasoo Saxiixatay Ramos

Read Next

Everton Oo Dooneeysa Saxiixa Maitland-Niles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?