“Mar Walba Waxaan Ahaan Doonaa Mid Idinka Mid Ah” – Ronaldo Oo Macsalaameeyn Qiiro Leh U Diray Juventus

Cristiano Ronaldo ayaa dhambaal macsalaameyn ah usoo diray Juventus kaddib markii la xaqiijiyay ku laabashadiisa Manchester United habeenkii Jimcaha.

Ronaldo ayaa ugu laaban doona Old Trafford heshiis hordhac ah oo ah £ 13 milyan (€ 15m, iyadoo lagu dari doono £7m oo dheeri ah.

36 jirkaan ayaa baraha bulshada uga mahadceliyay taageerayaasha Juventus taageeradooda kaddib markii uu seddex xilli ciyaareed la qaatay Bianconeri.

 

 
 
 
 
 
View this post on Instagram
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 

A post shared by Cristiano Ronaldo (@cristiano)

“Maanta waxaan ka tagayaa koox la yaab leh, tan ugu weyn Talyaaniga waana hubaal mid kamid ah kuwa ugu weyn Yurub oo dhan,” ayuu ku yiri Instagram-kiisa.

“Waxaan qalbigayga iyo naftayda u dhiibay Juventus mar walbana waan jeclaan doonaa magaalada Turin ilaa maalmaha ugu dambeeya.”

” Tifosi bianconeri ” mar walba wey i xushmeysay waxaanan isku dayay inaan uga mahadceliyo ixtiraamkaas anigoo u dagaallamay kulan kasta, xilli kasta, tartan kasta. dhammaadkana waxaan dib u eegi karnaa wixii weynaa ee inoo qabsoomay, ma’aha dhammaan wixii aan rabnay, laakiin weli, waxaan wada qornay sheeko aad u qurux badan.”

“Mar walba waxaan ahaan doonaa mid idinka mid ah, hadda waxaad kamid tihiin taariikhdeyda, maadaama aan dareemayo inaan qeyb idinka ahay, Talyaaniga, Juve, Turin, tifosi bianconeri, mar walba qalbigeyga ayaad ku jiri doontaan.”

Abdihakim Olad

Read Previous

Lambarkee Ayuu Ronaldo U Xiran Doonaa Man Utd? – Ma Cavani Ayaa Looga Saarayaa Lambarka 7-aad Mise Wuxuu Xiran Doonaa Lambarka Taariikhiga Ah?

Read Next

Thiago Silva: Waan Ka Xanaaqay Inay PSG Lasoo Saxiixatay Ramos

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?