Everton Oo Dooneeysa Saxiixa Maitland-Niles

Everton ayaa hadda raadineysa inay safkeeda kusoo darto xiddiga kooxda Arsenal ee Ainsley Maitland-Niles kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Talaadada.

Taasi waa sida ay qortay Sky Sports, oo sheegtay in Everton ay hadda baareyso u dhaqaaqis amaah ah si ay Maitland-Niles u keento Merseyside.

Waxaa la xusay in xiriirka u dhexeeya Everton iyo Arsenal uu yahay mid xooggan kaddib heshiisyo ay ku lug lahaayeen Alex Iwobi iyo Theo Walcott sannadihii 2018 iyo 2019.

Kooxaha kale ee Premier League-ga ayaa ayaa la sheegay inay doonayaan, laakiin Everton ayaa hadda loo maleynayaa inay ugu cadcad tahay saxiixiisa.

Maitland-Niles wuxuu ku qancay inuu sii joogo Arsenal xagaagii 2020 kaddib markii uu muujiyey ballan qaad dhab ah intii uu Mikel Arteta hoos joogay, laakiin markaas kaddib wuu ka baxay qorshaha tababaraha reer Spain.

Abdihakim Olad

Read Previous

U Dhaqaaqistii Chelsea Ee Saul Niguez Oo Burburay

Read Next

TOOS: Man City vs Arsenal | Premier League

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?