Arsenal Oo Guuldarro Qaraar Kala Kulantay Man City

Kooxda kubbada-cagta ee Arsenal ayaa guuldarro qaraar kasoo wajahday kooxda Manchester City oo ay ku booqatay garoonka Etihad Stadium.

City ayaa cayaarta waxaa ay koox Arsenal ah oo 10 cayaaryahan noqotay daqiiqadii 35aad uga adkaatay 5 gool iyo waxba.

3da gool ee ugu horreeyay ee Man City waxay yimaadeen qeybtii hore ee kulanka waxaana u kala dhaliyay cayaaryahan Gundogan, Torres iyo Jesus.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad Gunners waxaa cayaar si xarago leh looga heer sarreeyay laga dhaliyay goolka afaraad waxaana darbo quruxbadan shabaqa dhex dhiga cayaaryahan Rodri kahor inta uusan Ferran Torres dhalin goolka 5aad ee kulanka ahaana goolkiisii labaad.

Natiijada ayaa ka dhigtay Gunners inay noqoto kooxda ugu hooseysa kala sarreynta horyaalka xilli-cayaareedkan, iyadoo aan weli wax dhibic ah ka helin saddexdii kulan ee ugu horreeyey ololahan cusub ee Premier League-ga, xilli cadaadiska saaran Mikel Arteta uu kor u kacay taageerayaashana ay dalbanayaan in la ceyriyo.

Abdihakim Olad

Read Previous

TOOS: Man City vs Arsenal | Premier League

Read Next

TOOS: Liverpool vs Chelsea | Premier League

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?