10 Nin Oo Chelsea Oo Barbarro Kasoo Qaatay Anfield

Toban ciyaartoy oo Chelsea ah ayaa badbaaday qaybtii dambe ee adkeyd kulankii ay Liverpool ku booqdeen Anfield.

Kooxda kubbada-cagta Chelsea ayaa kasoo baxday garoonka ay martida ku ahayd ee Anfield iyadoo macalinkooda Tuchel uu dhibic u badbaadiyay Blues kaddib markii dhammaadkii qeybtii hore casaan laga siiyay cayaaryahan Reece-James.

Kai Havertz ayaa goolasha u furay kooxda Thomas Tuchel kahor inta uusan Mohamed Salah rigoore gool u beddelin dhammaadkii qeybtii hore.

Rigooradaas waxay ahayd tii uu keenay Reece-James oo casaan ku qaatay kubbada uu isagoo ku jira diilinta ganaaxa gacanta ku taabta darteed.

Garsoore Anthony Taylor ayaa la tashaday muuqaal caawiyaha garsoore ee VAR, waxaana 21-jirka daafaca middig ee Chelsea laga saaray ciyaarta isagoo ka hortagay fursad gool oo uu gacantiisa ku celiyay.

Waxaa jiray is-weydaarsi kulul oo labada dhinac dhex-maray kaddib markii kaar loo taagay Edouard Mendy iyo Antonio Rudiger oo labaduba qaatay jaallaha.

Liverpool ayaa inteeda badan gacanta ku heysay kubbad heysashada cayaarta laakiin ma aysan helin gool si ay u guuleystaan.

Abdihakim Olad

Read Previous

TOOS: Liverpool vs Chelsea | Premier League

Read Next

TOOS: Wararka Suuqa Kala-iibsiga Maalinta Ugu Dambeysa Xagaaga 2021

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?