XASAASI: Xilliga Uu Mbappe Ku Biirayo Real Oo La Ogaaday Kaddib Dalabkii Ugu Dambeeyay Ee Los Blancos

Kooxda ka dhisan horyaalka La Liga-ga Spain ee Real Madrid ayay kusii kordheysaa kalsoonida ah inay lasoo wareegto 22 jirka superstar-ka kooxda PSG.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kooxda Real Madrid ay dalab cusub oo gaaraya 170 milyan oo yuuro ka gudbisay Kylian Mbappe iyadoo kooxda Los Blancos ay ku rajo weyn tahay in dalabkaasi oo lagu daray €10 milyan oo gunno ah ay kusoo qaadan karto weeraryahanka Faransiiska.

Ilo hoose ayaa ku waramaya in kooxda PSG aysan ku gacanseyri karin dalabka lagasoo gudbiyay Mbappe islamarkaana ay macquul tahay in maalmaha sabtiga ama axadda ee dhammaadka todobaadkan ugu dambeyn la dhammeeystiri doono heshiiska – waa haddii aanay beri suuro-galin’e (Jimco)

Los Blancos ayaa horraantii toddobaadkan ka gudbisay Mbappe dalab furitaan ah oo gaaraya 160 milyan oo yuuro, taasoo ay durbaba soo diiday PSG.

Laakiin kaddib markii ay haatan kordhiyeen dalabkooda, kooxda reer Spain ayaa la sheegayaa inay kalsooni weyn ku qabto inay 22 jirkan ka dhigaan cayaaryahan Madridista ah todobaadka dambe.

Mbappe, oo qandaraaskiisu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkaan, ayaa kooxdiisa PSG ka diiday wax ka badan lix dalab oo cusbooneysiin qandaraas ah.

Weeraryahanka ayaa si cad u sheegay in hamigiisu yahay inuu ku biiro Real Madrid isla markaana uu diyaar u yahay inuu sameeyo waxa walba oo macquul ah si uu uga dhabeeyo riyadiisa.

How Mbappe's Real Madrid dream was frustrated in the summer of 2017 | MARCA  in English

Agaasimaha isboortiga PSG Leonardo ayaa qirtay isbuucaan in Mbappe uu doonayo inuu ka tago kooxda, laakiin wuxuu ku weeraray Madrid wax uu ugu yeeray ‘dhaqan-xumo’ oo ku aaddan sida ay weeraryahanka ulasoo xiriireen.

PSG ayaa markii hore Mbappe duldhigtay lacag dhan €220 milyan, laakiin Madrid ayaa ku adkeysaneysa inaysan bixin doonin lacagtaas.

Sidaa darteed Goal.com ayaa fahansan in tababaraha kooxda PSG Mauricio Pochettino, oo ay weheliyaan qolka labiska kooxda ay aqbaleen in Mbappe uu ka tagi doono kooxda.

22-sano jirkaan ayaa ku hormaray inuu noqdo mid kamid ah xiddigaha ugu fiican adduunka kaddib markii uu PSG kaga soo biiray Monaco sannadkii 2017-kii.

Mbappe ayaa hoggaanka u hayay gooldhalinta horyaalka Faransiiska ee Ligue 1-ka seddaxdii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay waxaana loo magacaabay ciyaaryahanka sannadka 2 xilli-cayaareed oo kamid ah.

Kaddib imaatinka Lionel Messi, waxay u ekayd Messi, Mbappe iyo Neymar inay noqon doonaan mid kamid ah weeraryahannada ugu xoogga badan abid, laakiin hadda waxay u muuqataa in aysan taa suurtagal ahayn.

PSG OO AQBASHAY DALABKII MBAPPE LAGASOO GUDBIYAYHalkan ka aqriso

Abdihakim Olad

Read Previous

Benjamin Mendy Oo 4 Dacwadood Oo Kufsi Ah Loo Maxkamadeynayo

Read Next

DEG-DEG: PSG Oo Aqbashay Dalabkii Real Madrid Ee Mbappe – Wararkii Ugu Dambeeyay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?