Weyne Rooneey Oo Si Layaableh Uga Falceliyay Ku Biirista Ronaldo Ee Manchester City

Wayne Rooney ayaa sheegay inuu ka qabo ‘shaki weyn’ in Cristiano Ronaldo uu ku biiri doono Manchester City kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Manchester City ayaa haatan diirada saareysa heshiis ay kula soo saxiixaneyso weeraryahankii hore ee Manchester United Cristiano Ronaldo kaddib markii Harry Kane, oo ahaa bartilmaameedkoodii ugu sarreeyay xagaaga oo dhan uu toddobaadkan ku dhawaaqay inuu sii joogayo Tottenham.

Ronaldo ayaa riixaya inuu ka tago Juventus waxayna wararkii khamiistii sheegayeen in 36 jirkaan uu haatan heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda heysata Premier League-ga isla markaana uu durba la hadlay tababaraha City Pep Guardiola.

Dhanka kale Rooney ayaa shan xilli ciyaareed kaga garab ciyaaray Ronaldo Old Trafford labadan xiddig ayaana qeyb muhiim ah ka ahaa kooxda United oo ku guuleysatay seddex horyaal oo Premier League ah iyo hal Champions League mudadaas.

Cristiano Ronaldo and Wayne Rooney won the Champions League with Manchester United in 2008

Tababaraha Derby ayaa dareensan inuusan qiyaasi karin in Ronaldo uu u dhaqaaqo kooxda ay xafiiltamaan Man United ee Man City sabab la xiriirta ‘sumcadiisa’.

Markii la weydiiyay go’aankiisa ku aaddan rabitaanka Ronaldo ee ah inuu ku biiro City, Rooney wuxuu ku jawaabay: ‘Ma aqaano waxa laga sameeynayo, daacaddii”

‘Haddii aad i weydiinayso haddii aan u malaynayo inay suurtogal tahay markaa waxaan qabaa shaki weyn inay macquul tahay.

‘Cristiano wuxuu dhaxal weyn ku yeeshay United. Uma maleynayo inuu u dhaqaaqayo meel kale sababo dhaqaale awgeed.’

‘Ma hubo in taasi dhici doonto. Waxaan u maleynayaa inay jirto fursad badan oo ay ku noqon karto PSG haddii uu ka tagayo Juventus.’

‘Dhinaca kale, waa kubadda cagta, way dhici kartaa, hore ayay u dhacday. Ciyaartoy waa weyn iyo halyeeyo ka yimid Manchester United marka loo eego Peter Schmeichel wuxuu aaday City, Andy Cole wuxuu aaday City, Mark Hughes ayaa maamulay City.’

Abdihakim Olad

Read Previous

DEG-DEG: PSG Oo Aqbashay Dalabkii Real Madrid Ee Mbappe – Wararkii Ugu Dambeeyay

Read Next

Bukayo Saka Oo Farriin U Diray Jack Wilshere Kaddib Markii Uu Sheegay ‘Inuu Ka Fiirsanayo Hawlgabnimo’

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?