Liverpool Oo Jawaab Ka Heshay Iskudaygoodii Xilli Dambe Ee Bissouma

Liverpool ayaa baaritaan waqti dambe ah u gudbisay kooxda Brighton iyadoo wax ka weeydiisay suurtagalnimada saxiixa Yves Bissouma, sida ay wararku sheegayaan.

24 jirkaan ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan xagaagan iyadoo Arsenal iyo Manchester United ay labaduba ka fikirayaan inay u dhaqaaqaan.

Si kastaba ha ahaatee, Daily Express ayaa sheegeysa in Jurgen Klopp uu doonayo inuu xoojiyo qadkiisa dhexe si uu u magdhabo bixitaankii Georginio Wijnaldum ee Paris Saint-Germain iyadoo Liverpool lagu soo waramayo inay wax ka weeydiisay xaaladda iibsiga Bissouma.

Brighton ayaa si kastaba ha ahaatee ka jawaabtay codsigaa iyagoo u sheegay Liverpool inay 40 milyan ginni ku doonayaan ciyaaryahanka khadka dhexe.

Abdihakim Olad

Read Previous

Bukayo Saka Oo Farriin U Diray Jack Wilshere Kaddib Markii Uu Sheegay ‘Inuu Ka Fiirsanayo Hawlgabnimo’

Read Next

Cristiano Ronaldo Oo Macsalaameeyay Asxaabtiisa Juve Isagoo Seegay Tababarkii Maanta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?