DEG-DEG: PSG Oo Aqbashay Dalabkii Real Madrid Ee Mbappe – Wararkii Ugu Dambeeyay

Kylian Mbappe ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Real Madrid kaddib markii kooxda Paris Saint-Germain ay aqbashay dalab gaaraya 180 milyan oo yuuro, sida ay tibaaxayaan wararka ka imaanaya Spain.

22 jirkaan ayaa caddeeyay inuu doonayo inuu ku biiro Real Madrid xagaagan wuxuuna iska diiday dalabyo badan oo kaga yimid PSG si uu u saxeexo heshiis cusub.

Qandaraaska haatan ee Mbappe ayaa dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan, taasoo la micno ah in kooxda Faransiiska ay wajihi karto dhibaatada ah inay xiddigan ku weyso beeca xorta ah sannadka dambe.

Horraantii Isbuucaan, Madrid ayaa miiska u saartay dalabkeedii ugu horreeyay ee Mbappe laakiin dalabkooda wuxuu ahaa €160m (£ 137m) PSG ayaana dib usoo celisay.

Haatan waxay gudbiyeen dalab gaaraya 170 milyan oo yuuro oo lagu daray 10 milyan oo gunno dheeri ah waxayna u muuqataa in dalabkaasi la aqbalay sida ay warar baahsan oo Spain ka imaanaya ay tibaaxayaan.

Wargeyska Marca oo kamid ah wargeysyadda ugu afka-dheer gudaha Spain ayaa hadda soo warinaya in dalabkii Madrid ee €180m ay aqbashay PSG isla markaana kala saxiixashada heshiis uu hadda ‘dhow yahay’.

Warbixinta ayaa sheeganeysa in dalabka la aqbalay islamarkaana lagu dhawaaqi doono maalinta Jimcada.

Abdihakim Olad

Read Previous

XASAASI: Xilliga Uu Mbappe Ku Biirayo Real Oo La Ogaaday Kaddib Dalabkii Ugu Dambeeyay Ee Los Blancos

Read Next

Weyne Rooneey Oo Si Layaableh Uga Falceliyay Ku Biirista Ronaldo Ee Manchester City

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?