Man City Oo Wadahadalo La Furtay Juventus Si Ay Ugala Wareegto Ronaldo

Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa u weecatay superstar-ka reer Portugal kaddib markii la xaqiijiyay in Harry Kane uusan ka tegi doonin kooxdiisa Tottenham.


Manchester City ayaa Juventus la billaawday wadahadalo ay ku dooneeyso Cristiano Ronaldo, kaasoo sidoo kale doonaya inuu iyaga kusoo biiro, sida ay ku waramayso Goal.

Xiddiga shanta jeer ku guuleystay abaalmarinta shaqsiyadeed ee ugu weyn kubbada-cagta caalamka (Ballon d’Or) ayaa doonaya inuu ka tago kooxda Bianconneri kaddib seddex sanno oo uu joogay Turin.

Dhanka kale City ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan kaddib markii ay wayday saxiixa Harry Kane oo ay ku raadjoogtay xagaaga oo dhan.

Wixii kusoo kordha wararka la xiriira mustaqbalka Ronaldo iyo wadahadalada City iyo Juve u soconaya, Wararkeena xiga ayaad kaga bogan doontaa.

Abdihakim Olad

Read Previous

Jorginho Oo Loo Magacaabay Cayaaryahanka Sannadka Ee UEFA

Read Next

Benjamin Mendy Oo 4 Dacwadood Oo Kufsi Ah Loo Maxkamadeynayo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?