Jorginho Oo Loo Magacaabay Cayaaryahanka Sannadka Ee UEFA

Ciyaaryahanka khadka-dhexe ee kooxda Chelsea iyo xulka Talyaaniga ayaa kor u qaaday labadaba Champions League-ga iyo Euro 2020 xilli-cayaareed xusuus leh.

Xiddiga Chelsea Jorginho ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka sannadka ee UEFA kaddib geesinimadii uu usoo bandhigay kooxdiisa iyo dalkiisa xilli ciyaareedkii 2020-21.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Brazil ayaa qeyb muhiim ah ka ahaa qolka matoorka Blues iyagoo u dagaalamay hanashada Champions League-ga.

Oo sidoo kale wuxuu ku dhigay wacdaro xagaagan isagoo xulkiisa Talyaaniga kula guuleeystay koobka Euro 2020.

Jorginho oo xulkiisa Talyaaniga iyo kooxdiisa Chelsea kula guuleeysanaya Euro 2020 iyo Champions League 2021

Jorginho ayaa kamid ahaa saddex ciyaartoy oo loo doortay inay noqdaan kuwa isugu soo haray abaalmarinta laacibka sannadka.

Saaxiibkiis Chelsea N’Golo Kante ayaa sidoo kale lagu daray liiska ugu dambeeya, sidoo kale waxaa uu kaga guuleeystay Kevin De Bruyne, oo sannad kale oo qurux badan ku qaatay kooxda Manchester City.

Abdihakim Olad

Read Previous

RASMI: Isku-aadka Guruubyada Champions League-ga | Barcelona vs Man City , Bayern vs Barca Iyo Kooxaha Ku Jira Guruubka Dhimashada

Read Next

Man City Oo Wadahadalo La Furtay Juventus Si Ay Ugala Wareegto Ronaldo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?