Benjamin Mendy Oo 4 Dacwadood Oo Kufsi Ah Loo Maxkamadeynayo

Kufsi loo-heystaha daafaca-biddix uga cayaara kooxda Manchester City ayaa xabsiga loo taxaabay waxaana uu hor imaan doonaa garsoorayaasha maalinta Jimcaha.

Daafaca Manchester City Benjamin Mendy ayaa gacanta lagusoo dhigay kaddib markii lagu soo oogay afar dacwadood oo kufsi ah iyo hal dacwad oo xadgudub galmo ah.

Xiddiga xulka qaranka Faransiiska ayaa waxaa dacwad kusoo oogtay booliska Cheshire Constabulary waxaana lagu hayaa xabsi kahor intaanan maxkamad la horgeyn Jimcaha.

Bayaanka booliiska kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in dambiyada lagu soo oogay 27-jirkan ay la xiriiraan saddex ruux oo kala duwan oo dhibaneyaal ah.

Manchester City defender Benjamin Mendy charged with four counts of rape,  suspended by club - Eurosport

Bayaaanka Booliska ayaa lagu yiri : “Benjamin Mendy, oo 27 -jir ah, ayaa waxaa lagu soo oogay afar dacwadood oo kufsi ah iyo hal dacwo oo xad-gudub galmo ah.”

“Dacwadaha ayaa la xiriira saddex cabasho oo kasoo baxday dhibanayaal da’doodu ka weyntahay 16 sano waxaana la sheegay inay dhaceen intii u dhaxaysay Oktoobar 2020 iyo Ogosto 2021.”

“Mendy waxaa dib loogu celiyey xabsiga bilayska waxaana lagu wadaa inuu kasoo muuqdo Maxkamadda Chester Magistrates’ Jimcaha, 27ka Ogosto. “

Abdihakim Olad

Read Previous

Man City Oo Wadahadalo La Furtay Juventus Si Ay Ugala Wareegto Ronaldo

Read Next

XASAASI: Xilliga Uu Mbappe Ku Biirayo Real Oo La Ogaaday Kaddib Dalabkii Ugu Dambeeyay Ee Los Blancos

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?