Bakayoko Oo Markale Ku Laabanaya Milan

Tiemoue Bakayoko ayaa qarka u saaran inuu ku laabto kooxda Ac Milan oo uu ugu biirayo si amaah ah xilli uu sii wadan doono noloshiisa meel ka baxsan garoonka Stamford Bridge mar kale xilli-cayaareedkan, sida uu sheegayo Gianluca DiMarzio.

Xiddiga khadka-dhexe ee Blues ayaan si joogto ah uga soo muuqan Stamford Bridge tan iyo sannadkii 2018, wuxuuna kooxda kaga maqnaa amaahyo isdaba joog ah wuuna sii wadan doonaa safarkiisa dibadda.

Kooxdiisii ugu dambeeysay ee uu safto waxay ahayd kooxda Napoli oo ololihii ugu dambeeyay uu ku qaatay.

Bakayoko wuxuu qarka u saaran yahay inuu markanna ku laabto San Siro, halkaas oo markii ugu horreysay si amaah ah looga dukaameystay saddex sano kahor.

Abdihakim Olad

Read Previous

Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Conte Uu Noqonayo Beddelka Arteta Ee Arsenal?

Read Next

Kane Oo Mushaharka Loo Kordhinayo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?