XASAASI: Real Madrid Oo Dalabkii Ugu Horreeyay Ka Gudbisay Kylian Mbappe Iyo Jawaabta Ay Ka Bixisay PSG

Heshiiska uu xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka uu kula jiro kooxdiisa PSG ayaa dhacaya xagaaga soo aaddan, kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaana dareensan inay ku qasbi karaan kooxda reer Faransa inay xagaagan iska iibiyaan xiddigooda.

Kooxda kubbada-cagta ee Real Madrid ayaa gudbisay dalabkeedii furitaanka si ay Kylian Mbappe ugala soo wareegto Paris Saint-Germain.

PSG ayaa dib usoo celisay dalab gaaraya 137 milyan oo ginni oo ay usoo gudbisay Real Madrid sida ay ku waramayso The Athletic

Kooxda reer Spain ayaa ku rajo weyn inay heshiis la gaarto kooxda reer Faransa kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga isbuuca soo aaddan, madaama ay dareemayaan in Mbappe uusan heshiis cusub u saxiixi doonin Paris iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Kylian Mbappé has less than a year left on his contract on Paris Saint-Germain.

Inkasta oo Madrid ay dhaqaale ahaan aad u hooseeyso sababo la xiriira cudurka faafa ee coronavirus ayaa haddana waxay dareensanyihiin inay tahay inay ka faa’iideeystaan xaalad ay ku qasbi karaan PSG inay ka iibiso mid kamid ah xiddigaha ugu wanaagsan kubbadda-cagta caalamka waxaana ay isku deyi doonaan inay markale dalab ka gudbiyaan da’yarkan heerka sarreeya.

Kylian Mbappe ayaa xiiseeynaya inuu ku biiro Real Madrid sida ay wararku sheegayaan, Mbappé ayaa si cad u sheegay inuu jeclaan lahaa inuu u dhaqaaqo La Liga kaddib markii uu Monaco kaga soo biiray amaah hal xilli ciyaareed ah sannadkii 2017 ka hor inta uusan si rasmi ah ugu biirin PSG adduun gaaray £ 165.7 milyan sannad kadib.

Inuu Mbappe ku biiro Real Madrid waxaa keliya hortaagan in ay PSG iyo Real Madrid ay ka wada heshiiyaan iibka, iyadoo Real ay kalsooni badan ku qabto in heshiis kasto oo shaqsi ah ay isla gaari karaan Mbappe kaddib marka ay qanciyaan PSG, waa sida uu qorayo The Guardian.

Abdihakim Olad

Read Previous

Ronaldo Oo Riixaya Inuu Ku Biiro Man City – Wuxuu La Hadlay Dias Iyo Silva

Read Next

Robertson Oo Heshiis Cusub U Saxeexay Liverpool

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?