Shaxdii Ugu Fiicneeyd Premier League-ga Todobaadka Iyo Koox Ku Yeelatay Xiddigo Badan

Firimbigii ugu dambeeyay ayaa loo yeeriyay toddobaadkii 2aad ee xilli ciyaareedka 2021-22 Premier League, kaasoo ka billowday Liverpool oo sii wadatay billowgeedii ugu fiicnaa xilli ciyaareedka iyagoo guul 2-0 ah ka gaaray Burnley kulankii Anfield ka dhacay.

Chelsea ayaa sidoo kale labo guul ka dhigtay labadoodii kulan ee xilli ciyaareedka cusub kaddib markii ay 2-0 kaga badiyeen kooxda ay London ku xifaaltamaan ee Arsenal, halka kooxda difaacaneysa horyaalka ee Manchester City ay kasoo ifbaxday sumcadeeda iyadoo soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah 5 goolna ku garaacday Norwich City xilli Tottenham Hotspur ay 1-0 ku badisay kulankii ay la cayaartay Wolverhampton Wanderers.

Dhanka kale, Manchester United ayaa soo bandhigtay qaab cayaareed liita kaddib markii lagu qasbay inay gadaal kasoo barbarreeyaan Southampton si ay 1-1 ula galaan , halka dhibcaha ay sidoo kale qeybsadeen Crystal Palace oo ismari waa la gashay Brentford iyo Leeds United oo afar gool ka dhalisay Everton.

Haddaba halkan hoose ka eeg shaxda kooxdii todobaaadka ugu fiicneeyd horyaalka Premier League-ga

Abdihakim Olad

Read Previous

Qoomameeyntii Wilshere Ee Arsenal Iyo Sheekadii Dhexmartay Isaga & Wiilkiisa

Read Next

“Iska Iloow Man City” – Harry Kane Oo Xaqiijiyay Inuu Sii Joogi Doono Kooxdiisa Tottenham

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?