Robertson Oo Heshiis Cusub U Saxeexay Liverpool

Daafaca-biddix ee kooxda Liverpool Andy Robertson ayaa noqday xiddigii ugu dambeeyay ee kooxda 1aad ee Jurgen Klopp ee mustaqbalkiisa u hibeeya kooxda.

Andy Robertson ayaa u saxiixay Liverpool heshiis cusub oo waqti dheer ah, sida ay shaacisay kooxda Premier League-ga.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee reer Scotland, oo afartii sano ee lasoo dhaafay ku qaatay Anfield, ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday heshiis socon doona ilaa sannadka 2026.

Robertson ayaa ku biiraya daafacyada kale ee Trent Alexander-Arnold iyo Virgil van Dijk, oo lagu daray goolhaye Alisson iyo khadka dhexe Fabinho kuwaasoo dhammaantood heshiisyo cusub saxeexay, isagoo ogolaaday shuruudo cusub si uu mustaqbalkiisa ugu hibeeyo Reds.

“Waxaan rabaa inaan sii joogo kooxdaan intii suurtogal ah iyo inaan kordhiyo joogitaankeyga, mar walba waa waqti farxad noo ah aniga iyo qoyskeygaba.” ayuu yiri

“Waxaan degnay halkan, waxaan jecelnahay wax walba oo ku saabsan kooxdan kubbadda-cagta waana ku faraxsanahay in safarku sii socdo”.

Abdihakim Olad

Read Previous

XASAASI: Real Madrid Oo Dalabkii Ugu Horreeyay Ka Gudbisay Kylian Mbappe Iyo Jawaabta Ay Ka Bixisay PSG

Read Next

Qoomameeyntii Wilshere Ee Arsenal Iyo Sheekadii Dhexmartay Isaga & Wiilkiisa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?