PSG Oo Richarlison U Aragta Beddelka Mbappe

Haddii Kylian Mbappe uu xagaagan ka tago kooxda PSG, Weeraryahanka Everton Richarlison ayaa noqon kara xalka daqiiqadii ugu dambeysa.

Richarlison waa dookha koowaad ee haatan lagu wado in uu beddel u noqdo Kylian Mbappe haddii uu xiddigan ka tago kooxda Paris Saint-Germain.

Kylian Mbappe ayaa aad loola xiriirnaya kooxda PSG iyadoo Real Madrid ay dalabkii ugu horreeyay durbaba ka gudbisay xilli ay ku rajo weyntahay inay lasoo saxiixdaan toddobaadkan oo ah todobaadkii ugu dambeeyay ee suuqa kala-iibsiga xagaag sida uu qorayo wargayska Eurosport.

Weeraryahanka reer Brazil ee kooxda Everton Richarlison ayaa kor u qaaday sumcadiisa caalamiga bilihii lasoo dhaafay isagoo si fiican xulkiisa ugu ciyaaray tartamadii Copa America iyo Olombikada.

PSG ayaa sidoo kale khibrad u leh la macaamilka Everton maadaama ay Moise Kean amaah ku qaadatay sannadkii hore isla markaana ay kala soo wareegtay Idrissa Gueye kooxda Toffees sannadkii 2019.

Abdihakim Olad

Read Previous

Chelsea Oo Xilli Dambe U Dhaqaaqday Xiddig U Cayaara Athletico Madrid

Read Next

Ronaldo Oo Riixaya Inuu Ku Biiro Man City – Wuxuu La Hadlay Dias Iyo Silva

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?