“Iska Iloow Man City” – Harry Kane Oo Xaqiijiyay Inuu Sii Joogi Doono Kooxdiisa Tottenham

Weeraryahanka kooxda Tottenham ayaa la saadaalinayay inuu lacag qaali ah ugu wareegayo garoonka Etihad kahor inta uusan xirmin suuqa kala-iibsiga xagaaga, laakiin haatan wuxuu go’aansaday inuu sii joogo Waqooyiga London

Kabtanka xulka Ingiriiska Harry Kane ayaa xaqiijiyay inuu sii joogi doono kooxdiisa Tottenham inta ka dhiman xilli ciyaareedka 2021-22 islamarkaana la soo afjaro wararka la xiriirinaya Manchester City.

Wararka la isla dhexmarayo warbaahinta iyo baraha bulshada ee ku saabsan mustaqbalka Kane ayaa aad u soo badanayay bilihii ugu dambeeyay, iyadoo Manchester City lagu tilmaamay inay tahay meesha ugu dhow ee uu aadi doono xiddigan oo horraan sheegay in hammigiisa uu yahay inuu ka cayaaro meel uu ku guuleysan karo koobabka ugu waaweyn kubbada-cagta.

28 jirkaan ayaan weli Spurs kula guuleysan hal koob, laakiin weli seddex sano ayaa uga hartay inuu qandaraaskiisa sii wato, waxaana uu haatan ku dhawaaqay inuu sii joogi doono agagaarka Waqooyiga London wixii ka dambeeya dhammaadka suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kane ayaa joogitaankiisa ku shaaciyay bartiisa Twitterka wuxuuna yiri:

“Waxay ahayd wax cajiib ah inaan arko soo dhaweynta taageerayaasha Spurs axaddii iyo inaan akhriyo qaar kamid ah farriimihii taageerada ee aan helay dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay.”

“Waxaan sii joogi doonaa Tottenham xagaagan waxaana 100% diiradda saari doonaa sidii aan kooxda uga caawin lahaa inay guul gaarto.” ayuu soo qoray

Abdihakim Olad

Read Previous

Shaxdii Ugu Fiicneeyd Premier League-ga Todobaadka Iyo Koox Ku Yeelatay Xiddigo Badan

Read Next

RASMI: Athletico Madrid Oo Lasoo Wareegtay Xiddiga Reer Brazil Ee Cunha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?