Thierry Henry Oo Talo Siiyay Mbappe Xilli Lala Xiriirinayo Kooxo Badan

Halyeeyga kooxda Arsenal Thierry Henry ayaa kula taliyay Kylian Mbappe inuu baaqi kusii ahaado Paris Saint-Germain, inkastoo suuqa kala iibsigan lala xiriirinayo inuu ka dhaqaaqi doono caasimadda Faransiiska.

Mbappe ayaa si weyn loola xiriirinayaa Real Madrid, halka Manchester United iyo Liverpool ay kamid yihiin kooxaha la socda mustaqbalkiisa.

Ku guuleystaha Koobka Adduunka ee Faransiiska ayaa qandaraaskiisa haatan wuxuu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan mana jirto wax soo jeedin ah inuu heshiis cusub saxiixi doono.

Laakiin Henry, weeraryahankii hore ee Arsenal iyo Barcelona, ayaa rumeysan in ninka ay dhalashada wadaagaan ay u wanaagsantahay inuu sii joogo Parc des Princes.

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsenal Oo Warbixin Ka Bixisay Dhaawaca 11 Cayaaryahan Iyadoo Alex Lacazette Uu Soo Laabanayo Halka Martin Odegaard Loo Fasaxay Inuu Cayaaro

Read Next

Chelsea Oo Xilli Dambe U Dhaqaaqday Xiddig U Cayaara Athletico Madrid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?