Chelsea Oo Weli Daba-taagan Kounde Iyadoo West Ham Ay Soo Dalbatay Zouma

Kooxda Chelsea ayaa laga yaabaa inay sameyso hal iibin kahor inta uusan xirmin suuqa kala-iibsiga xagaagan – laakiin waa inay xiddigo iska iibiyaan kahor inta ay tiradda sii korodhsan.

Chelsea ayaa xiriir la sameyneysa kooxda Sevilla Jules Kounde iyagoo weli ku raad jooga saxiixa daafaca-dhexe Joules Kounde xilli ay suurta gal tahay iibinta Kurt Zouma.

West Ham ayaa heshiis afka ah la gashay Chelsea oo ku kacaya £ 26 milyan oo ginnin laakiin waxay ku dhibtooneysaa inay ku qanciso Zouma inuu u dhaqaaqo London Stadium.

In kasta oo Chelsea aysan dhowaan si toos ah ugala xiriirin Sevilla arrimaha Kounde, haddana waxay weli xiriir la leeyihiin wakiiladiisa si ay ugu dhaqaaqaan xagaaga taa oo albaabka u fureysa Zouma.

Miyey Chelsea Soo Iibsaneysaa Kounde?

Chelsea ayaa haysata hanti ay ku dhammaystirto saxiixa Kounde, gaar ahaan kaddib markii ay ka urursatay ku dhawaad £ 100m ($ 136m) iibka ciyaartoy suuqa kala-iibsiga hadda.

Si kastaba ha ahaatee, waa inay u dhowaadaan qiimaha ay dooneeyso kooxda La Liga ka dhisan ee gaaraya £ 68 milyan oo ginni oo ah lacagta lagu burburin karo qandaraaska xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska.

Tani waxay imaneysa kaddib markii Blues ay xitaa isku deyday inay Sevilla usoo bandhigtay ciyaartoyda Zouma, Kenedy iyo Emerson Palmieri si ay ugu beddeshaan Kounde.

Transfer news and rumours LIVE: Chelsea-linked Rice angles for West Ham  exit – Football Reporting

Blues ayaa xitaa miisaantay ku darsiga qadka dhexe ee kooxda West Ham Declan Rice, xiddiga Monaco Aurelien Tchouameni iyo Eduardo Camavinga’ha kooxda Rennes.

Si kastaba ha ahaatee, Thomas Tuchel ayaa ku faraxsan saddexdiisa xiddig ee khadka dhexe ee Mateo Kovacic, N’Golo Kante iyo Jorginho, taasoo ka dhigaysa mid aan macquul ahayn in midkood uu soo galo dooqa afaraad.

Chelsea ayaa adeegsan karta midkood Ethan Ampadu ama Ruben Loftus-Cheek waxayna tahay inay doortaan inaysan amaahin iyagoo 8 maalmood oo qura uu ka harsanyahay suuqa.

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsenal Oo Ku Dhow Inay Lasoo Wareegto Aaron Ramsdale

Read Next

Vinicious Iyo Depay Oo Wacdarro Ka Dhigaya “La Liga-ha Liita”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?