Arsenal Oo Ku Dhow Inay Lasoo Wareegto Aaron Ramsdale

Goolhayaha Blades ayaa laga reebay kulankii West Brom Arbacadii iyadoo Gunners ay hore usii riixday wadahadalada
haatanna ay ku dhowdahay inay Aaron Ramsdale kala soo wareegto Sheffield United heshiis ku kacaya 30 milyan oo ginni, sida ay Goal ku waramayso.

Warkan ayaa noqonaya wax lala yaabo, iyadoo wadahadaladii markii hore dhex maray loo malaynayay in ay ku kala tageen naadiyada sababtuna ay tahay kala duwanaanshaha qiimaynta.

Haatan, si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa in Mikel Arteta uu qarka u saaran yahay inuu helo xiddigii uu doonayay, xilli Gunners ay todobaadkii hore ku bilaabatay Premier League iyagoo aan haysan goolhaye beddel ah oo tartan gelin kara Bernd Leno.

Abdihakim Olad

Read Previous

Keliya Son Heung-Min Oo Shabaqa Soo Taabtay Kulan Ay Spurs Garaacday City Iyadoo Uu Harry Kane Ka Maqanyahay

Read Next

Chelsea Oo Weli Daba-taagan Kounde Iyadoo West Ham Ay Soo Dalbatay Zouma

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?