Pogba Oo Qorsheynaya Inuu Real Madrid Ku Biiro

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ayaa qorsheynaya inuu u dhaqaaqo Real Madrid xagaaga soo aaddan – sida aan kasoo xiganay Daily Star.

Xiddiga Faransiiska ayaa uu dhici doonaa heshiiskiisa haatan ee kooxda United kaasoo ku eg June 2022 kahor inta aanu si xor ah ugu wareegin Santiago Bernabeu isaga oo go’aansaday in uu sii dheerayn joogitaankiisa Old Trafford.

Pogba ayaa kusoo laabtay garoomada kulankii furitaanka Premier League ee ay kooxdiisa la cayaartay Leeds Sabtidii, isagoo caawiye ka noqday afar gool kulan ay ku adkaadeen 5-1 sabtidii.

Kubbad-sameeyaha Manchester United, oo 28 jir ah, ayaa haatan dhammeeysanaya 12-kii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa haatan ee Old Trafford kahor inta uusan bilaash ugu biirin kooxda Real Madrid.

Abdihakim Olad

Read Previous

TOOS: Tottenham vs Man City | Kulanka Ugu Adag Todobaadkan Premier League-ga Ingiriiska

Read Next

Keliya Son Heung-Min Oo Shabaqa Soo Taabtay Kulan Ay Spurs Garaacday City Iyadoo Uu Harry Kane Ka Maqanyahay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?