“Lama Yaabani Afartii Caawin Ee Pogba”, Souness

Graeme Souness ayaa hoos u dhigay saamayntii Paul Pogba ee kulankii Manchester United ay 5-1 kaga badisay Leeds Sabtidii, bedelkeedana wuxuu ku amaanay Mason Greenwood inuu ahaa “xiddiga ugu wanaagsan bandhigga”.

Red Devils ayaa ku furtay ololahooda cusub ee Premier League bandhig cajiib ah kulankoodii furitaanka oo ay Old Trafford ku qaabileen Leeds Uniteds.

Saddexleeydii Bruno Fernandes iyo afartii Caawin ee Paul Pogba ayaa ka dhigtay labadoodaba kuwo lafdhabar u ahaa guushii Manchester United ay ka gaartay Leeds United balse cayaaryahankii hore ee kooxda Liverpool Graeme Sounes ayaa aaminsan fikrad ka duwan middaas wuxuuna isagoo haatan ah falanqeeyey cayaaro yiri:

“Aniga ahaan, shalay xiddigga bandhiggu wuxuu ahaa Greenwood. Wiil yar, waxaan u maleeyay inuu yahay mid mucjiso leh,” ayuu ku yiri Sky Sports.

Graeme Souness delivers brutal England verdict as he delights Tartan Army  with 'football ain't coming home' line - Daily Record

Markaa kaddib daaficii hore ee Manchester City Micah Richards ayaa ku qoslay isagoo u tilmaamay in Pogba uu sameeyay afar caawin, Souness ayaa ku jawaabay: “Waa wax aan ka filayno cayaaryahan £ 100 milyan ku fadhiya.”

“Waxaan u imanayaa dulucda. Waxay ku qarashgareeyeen £ 70 milyan oo ginni [Jadon] Sancho waxaana laga yaabaa inay taasi noqon karto wax dib loo fiiriyo oo laga fikiro: ‘Ma waxaan u baahanahay inaan u bixino lacagtaas?’ Sababtoo ah wiilkaasi waa cayaaryahan, waa dhammeeystire, waxaana u maleynayaa inuu noqon doono ciyaaryahan heer sare ah. ”

Fekerka Souness ayaa u muuqday mid ka careysiiyay daaficii hore ee Man United Rio Ferdinand, kaasoo baraha bulshada u adeegsaday si uu u muujiyo niyad jabkiisa.

Isagoo ka jawaabaya farriin Twitter-ka ah oo ku saabsan faalladii Graeme Souness, Ferdinand wuxuu soo qoray: “Kaalay Graeme.” (Naga daa dee Graeme).

Abdihakim Olad

Read Previous

TOOS: Norwich vs Liverpool | Premier League

Read Next

Goorma Ayuu Abraham Tijaabada Caafimaad U Marayaa Roma?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?