Keliya Son Heung-Min Oo Shabaqa Soo Taabtay Kulan Ay Spurs Garaacday City Iyadoo Uu Harry Kane Ka Maqanyahay

Nuno Espirito Santo ayaa guul ku bilaabay shaqadiisa tababarenimo ee kooxda Tottenham Hotspur kaddib markii ay 1-0 kaga badiyeen kooxda heysata Premier League ee Manchester City.

Harry Kane, oo lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo City, ayaan ku jirin kooxdii Spurs ee wajahaysay City.

laakiin Pep Guardiola waqti kuma lumin inuu ka safka koowaad kusoo tuuro xiddiga uu lacagta rikoorka Ingiriiska kusoo iibsaday ee Jack Grealish.

Wuxuu ahaa Son Heung-min xiddiga dhaliyay goolka keliya ee kulanka guushana usoo hoyay kooxdiisa isagoo goosha la helay kubbad uu ku tuuray darbo hoose oo ka sarraysay goolhayaha Manchester City Ederson 10 daqiiqo kaddib qeybtii labaad.

Goolkaas ayaa ahaa goolka keliya ee lagu kala baxay kulanka, inkastoo City ay gacanta ku heysay cayaarta haddana Tottenham ayaa abuureeysay fursado goolal loo filan karo marka ay rogaal-celis kusoo weeraraan City.

Hugo Lloris ayaa sidoo kale laad ka badbaadiyay Kevin De Bryne oo cayaarta beddel kusoo galay dhammaadkii cayaarta, markaasoo City ay u muuqatay kuwo fursado abuuraya oo goolkana barbarreeyn kara.

Balse dedaal walba ay sameeyaan waa ay dhaafi waayeen daafacyadda Tottenham waxaana natiijadu ay noqotay in 1:0 lagu kala dareero, guushuna ay Tottenham raacdo.

Abdihakim Olad

Read Previous

Pogba Oo Qorsheynaya Inuu Real Madrid Ku Biiro

Read Next

Arsenal Oo Ku Dhow Inay Lasoo Wareegto Aaron Ramsdale

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?