Harry Kane Oo Laga Reebay Kooxda Spurs Ee Wajahaysa City + Sabab?

Weeraryahanka ayaan xitaa lagu soo darin keydka kulanka ay gurigooda kula cayaarayaan kooxda heysata horyaalka Premier League.

Harry Kane ayaa laga reebay kooxda Tottenham ee wajihi doonta Manchester City kulankooda furitaanka horyaalka Premier League.

Weeraryahanka ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Spurs xagaagan, inkasta oo la sheegay inuusan u arkin inuu taam u yahay inuu ciyaaro kulanka Axadda.

Taa bedelkeeda, Heung-min Son ayaa noqonaya madaxa weerarka Nuno Espirito Santo kulankiisii ugu horreeyay ee horyaalka ee uu maamulo kooxda woqooyiga London, iyadoo garbaha ay ka saaran yihiin Steven Bergwijn iyo Lucas Moura halka Dele Alli uu ka taageeri doono qadka dhexe ee weerarka.

SABABTA LOOGA REEBAY WAA MAXAY?

28 jirkaan ayaa kasoo daahay inuu ku soo laabto tababarka Spurs kaddib fasaxiisii xagaaga, inkasta oo uu sii daayay bayaan uu ku beeninayo sheegashada ah inuu diiday inuu la tababarto saaxiibadiisa kooxda.

Tababaraha Spurs Nuno ayaa Isniintii sheegay in Kane uu diyaar u noqon doono xulashada kulanka ay la cayaarayaan kooxda heysata horyaalka Premier League ee Man City.

Laakiin tababaraha ayaa hadal kale raaciyay sabtidii isagoo qirtay inuu tixgelin doono arrimo kale marka uu xulanayo kooxdiisa, isagoo soo jeediyay in xaaladda kala iibsiga ee Kane ay sabab u noqon karto in safka aan lagu soo darin.

Xiddiga reer Ingiriis ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo Spurs xagaagan, iyadoo City ay ugu cadcad tahay inay hesho adeegiisa.

Abdihakim Olad

Read Previous

Halyeeygii Bayern Munich & Jarmalka Gerd Muller Oo Geeriyooday Isagoo 75 Jir Ah

Read Next

TOOS: Tottenham vs Man City | Kulanka Ugu Adag Todobaadkan Premier League-ga Ingiriiska

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?