Halyeeygii Bayern Munich & Jarmalka Gerd Muller Oo Geeriyooday Isagoo 75 Jir Ah

Mid ka mid ah weeraryahannadii ugu weynaa taariikhda kubbadda-cagta ayaa geeriyooday subaxnimadii Axadda.


Halyeeygii xulka Jarmalka iyo kooxda Bayern Munich Gerd Muller ayaa geeriyooday isagoo 75 jir ah.

Weeraryahankan oo ku guuleystay Koobka Adduunka iyo Koobka Qaramada Yurub ayaa laga helay cudurka Alzheimers sannadkii 2015 wuxuuna ku noolaa guri daryeel oo gaar ah.

Kooxda reer Bundesliga ayaa ku dhawaaqday warka murugada leh maanta, iyadoo Muller uu ka tegay xaaskiisa, Uschi, iyo gabadhiisa Nicole iyo dhammaan eheladiisa kale.

566 gool 607 kulan oo uu u saftay Bayern Munich.

68 gool 62 kulan uu u saftay Galbeedka Jarmalka.

Gerd Muller, waa mid kamid ah gooldhaliyayaashii abid ugu fiicnaa kubbada cagta.

Abdihakim Olad

Read Previous

Tottenham vs Man City | Shaxaha Rasmiga | Pep Oo Kusoo Bilaabay Jack Grealish Iyo Nuno Oo Saf Wacan Kusoo Galay

Read Next

Harry Kane Oo Laga Reebay Kooxda Spurs Ee Wajahaysa City + Sabab?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?