Goorma Ayuu Abraham Tijaabada Caafimaad U Marayaa Roma?

Xiddiga heerka caalami ee dalka Ingiriiska ayaa qarka u saaran inuu dhammeystiro heshiiska joogtada ah ee Stadio Olimpico uu ugu wareegayo, kaddib markii uu boos ka waayay kooxda macalin Tuchel ee Stamford Bridge.


Weeraryahanka Chelsea Tammy Abraham ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Roma axadda kahor inta uusan dhammeystirin heshiis 40 milyan oo euro ah oo uu ugu wareegayo kooxda reer Talyaani, sida ay Goal ku waramayso.

Abraham wuxuu u duuli doonaa Talyaaniga si uu u dhammaystiro ku biirista Stadio Olimpico kaddib markii uu is arkay inuu kursiga keydka ee Stamford Bridge boos wanaagsan ka helay.

Kusoo laabashada kooxda Chelsea ee Romelu Lukaku ee Chelsea ayaa ka dhigan in 23 jirkaan uu si weyn hoos uga dhacay dookha xulashada, kooxda ayaana ugu dambeyn go’aansatay inay lacag kaash ah ku hesho ciyaaryahan ay ka harsan tahay labo sano khandaraaskiisa.

Abdihakim Olad

Read Previous

“Lama Yaabani Afartii Caawin Ee Pogba”, Souness

Read Next

Tottenham vs Man City | Shaxaha Rasmiga | Pep Oo Kusoo Bilaabay Jack Grealish Iyo Nuno Oo Saf Wacan Kusoo Galay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?