Bruno Fernandes Oo Saddexleey Dhaliyay Xilli United Ay Xasuuqday Leeds

Bruno Fernandes ayaa ku furay xilli ciyaareedkiisa seddexleey goolal ah xilli Manchester United ay 5-1 ku garaacday Leeds United kulankii ka qabsoomay Old Trafford Sabtidii.

Goolkii qeybtii labaad ee Luke Ayling ayaa si ku meel gaar ah cayaarta ugusoo celisay Leeds laakiin Mason Greenwood iyo Fred ayaa sidoo kale shabaqa soo taabtay kulan uu Paul Pogba urursaday 4 caawin.

Premier League, Manchester United vs Leeds United Highlights: Man United  beat Leeds United 5-1 in season opener - The Times of India

Fernandes ayaa kubbad uu ka helay Paul Pogba daqiiqadii 30 ku dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee kulanka.

Leeds ayaa ciyaarta kusoo laabatay seddex daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad iyadoo Ayling uu shabaqa soo taabtay.

United ayay ku qaadatay kaliya seddex daqiiqo inay kusoo celiso hoggaanka, kaddib markii ay bilaabeen weerar rogaal celis ah, Pogba ayaa la helay Greenwood oo ka ordaya garabka biddix kaasoo kubbad uu hore u jiitay dhexdhigay geeska fog ee hoose ee shabaqa.

Fernandes ayaa helay goolkiisii labaad daqiiqadii 54aad ee cayaarta . Waxayna u muuqatay in Ayling uu kubbada ka saaray xariiqda laakiin garsoore Paul Tierney ayaa tilmaam ka helay saacaddiisa gacanta oo sheegeysa in kubaddu ay xarriiqda dhaaftay.

Xiddiga reer Portugal ayaa dhameystiray seddexleeydiisii goolal – waana markii ugu horreysay tan iyo markii uu ku soo biiray United isagoo si xoogan u garaacay goosha goolhaye Meslier.

Man United vs Leeds United Full Match Highlights: Premier League

Pogba ayaa helay caawintiisii afaraad daqiiqadii 68 daqiiqo markii uu kubbad u leexiyay Fred kaasoo shabaqa ku kala helay meel 10 yaardi u jirta.

Abdihakim Olad

Read Previous

TOOS: Manchester United vs Leeds United | Premier League

Read Next

TOOS: Chelsea vs Crystal Palace | Premier League

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?