Brentford 2:0 Arsenal | Brentford Oo Garaacday Arsenal Kaddib 75-Sanno Oo Ay Ka Maqneyd Horyaalka Premier League

Brentford ayaa ka fiicneyd Arsenal ciyaartii ugu horreysay xilli ciyaareedka 2021-22 ee Premier League taasoo lagu cayaarayay garoonka Brentford Community ee Galbeedka London habeenkii Jimcaha.

Goolal ay labada qeyb ee cayaarta kala dhaliyeen cayaaryahan Sergi Canos iyo Christian Norgaard ayaa u diray kooxda macalin Thomas Frank guul taariikhi ah.

Sidee wax u dhaceen?

Kooxda usoo dallacday Premier League-gaoo cayaareysa ciyaartoodii ugu horreysay ee horyaalka heerka koowaad ee Ingiriiska muddo 75 sano kaddib ayaa ku calaamadeeyeen munaasabadda hoggaan quruxbadan ay qabtay qeybtii hore markii nadiifin liidata oo ay sameeyeen Arsenal ay u oggolaatay cayaaryahanka Isbaanishka ee Canos uu kubbadda kusoo jiido aagga diilinta ganaaxa, markaasoo middigta jarmo ah uu ku garaacay geeska dhow ee goolhaye Bernd Leno oo kusoo baraarugay kubbada oo dhanka middig ee hoose lasoo aaddiyay xilli uu u diyaarsanaa inuu dhanka kale ka difaacdo.

Brentford fans give Bukayo Saka standing ovation as he comes on as sub for  Arsenal - Daily Star

Fursadaha ayaa aad ugu yaraa Arsenal iyadoo kooxda martida loo ahaa ay u muuqatay inay u badan tahay inay goolal badan dhalineyso iyadoo qeybtii hore ay kusoo idlaatay Brentford oo hoggaanka u haysa cayaarta.

Goolhayaha Brentford David Raya wuxuu ku fiicnaa inuu kooxdiisu hore u sii wado wax yar kaddib qeybtii labaad isagoo u dhaadhacay biddixdiisa si uu u fogeeyo darbo meeldhow ah oo kaga timid Emile Smith Rowe.

Arsenal ayaa sii waday dadaalka ay ku doonaysay goolka barbaraha iyada oo ciyaartu ay dhaaftay saacad, xitaa Kieran Tierney ayaa si qurux badan birta ugu dhuftay laad kahor inta uusan Garbriel Martinelli kubbad madax ah oo koorne ah ku dhufan geeska kale.

Brentford oo ayaa sii dheereeysatay hoggaanka kulan iyo goolkii ugu dambeeyay ee cayaarta kaddib markii ay daqiiqadii 73aad ay heleen koorne, markaasoo kubbada ay ku dhacday meel u dhow goosha si uunna ugu soo gudubtay dhinaca kale ee goosha waxaana madax la helay Norgaard oo caga jugleyn ku garaacay daafacyada Arsenal isla markaana madax ku hubsaday shabaq inkastoo goolhayaha Arsenal uu kubbadaas wax ka qaban karay balse waxaa ku dheganaa oo celinayay cayaaryahan Brentford ah, garsooruhuna umay muuqan dhacdadaas siddaas ayay ku dhaliyeen goolkooda 2aad.

Natiijadu waxay qiiro ku dhalisay taageerayaasha Brentford oo la ilmeynaya guusha ay kooxdoodu gaareeyso dib ugu soo laabashadooda taariikhiga ah kaddib iyagoo ku heesaya heesta “Hey Jude” halka cayaartooyda Brentford ay u sacab tumeen taageerayaashii badnaa iyadoo Brentford ay badisay kulankoodii ugu horreeyay ee heerka koowaad ee Ingiriiska tan iyo xilli ciyaareedkii 1946-47.

Dhanka kale, Arsenal ayaa soo dhoweyn doonta kooxda Chelsea 22-ka bisha August, halka Brentford ay maalin kahor u safri doonto Crystal Palace.

Abdihakim Olad

Read Previous

TOOS: Brentford vs Arsenal | Premier League Matchday 1

Read Next

TOOS: Manchester United vs Leeds United | Premier League

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?