RASMI: Newcastle Oo Arsenal Kala Wareegtay Joe Willock

21 jirkaan ayaa shabaqa soo taabtay todobo kulan oo isku xiga oo Premier League ah markii uu amaah kula joogay Magpies xilli ciyaareedkii hore.


Newcastle ayaa xaqiijisay inay si joogta ah ula soo wareegtay ciyaaryahanka khadka dhexe Joe Willock oo ay kala soo saxiixdeen kooxda Arsenal heshiis ku kacaya ilaa 25 milyan oo ginni ($ 35m).

21 jirkaan ayaa ku qaatay Magpies xilli ciyaareed amaah ololihii hore, isagoo dhaliyay sideed gool kaddib markii uu kooxda ku biiray bishii Janaayo ee horraantii sannadkan.

Willock ayaa heshiis waqti dheer ah u saxiixay Newcastle wuxuuna xiran doonaa maaliyada No 28, sidii uu sameeyay xilli ciyaareedkii hore oo kale.

Abdihakim Olad

Read Previous

Chelsea Oo Iska Diidday Markii Loosoo Bandhigay Lewandowski

Read Next

Brentford vs Arsenal | Shaxaha Rasmiga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?