Man City Oo Diyaar U Ah Inay Kane Ku Bixiso £127 Milyan

Kooxda Manchester City ayaa ahmiyadooda ugu weyn ee suuqa ka dhigay sidii ay kusoo xero-gelin lahaayeen kabtanka xulka Ingiriiska iyo kooxda Tottenham ee Harry Kane, kaddib markii ay lasoo wareegeen saaxiibkiis Jack Grealish.

Spurs ayaa dooneeysa inay 150 milyan oo ginni ku iibsato weeraryahankeeda.

Manchester City ayaa haatan si buuxda diyaar ugu ah inay bixiso £ 127 milyan oo ginni oo u dhiganta $ 175 milyan oo doolar si ay ula soo saxiixato Harry Kane, sida ay qortay The Guardian.

Waxaa la rumeysan yahay in ku dhawaad 150 milyan oo ginni ay ku kici karto Tottenham inay iska iibiso xiddigan sidaan horay idiinkula wadaagnayba, laakiin City ayaa rajeyneysa inay heshiis ku gaarto wax ka yar lambarkaas.

Dhanka kale, Kane ayaa laga yaabaa inuu qeyb ka noqdo safka kooxda Spurs ee kulanka ay isbuucaan la yeelan doonaan kooxdiisa mustaqbalka ee Manchester City.

Abdihakim Olad

Read Previous

Mbappe Oo Ka Careysan Saxiixa Messi Iyo Real Oo Qorshe Xeeladeysan Ugu Dhaqaaqaysa

Read Next

Horudhac: Brentford vs Arsenal | Furitaanka Premier League-ga 2021-2022

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?