Horudhac: Brentford vs Arsenal | Furitaanka Premier League-ga 2021-2022

Xilli-ciyaareedka 2021-22 ee Premier League wuxuu ka bilaaban doonaa garoonka Brentford Community caawa fiidkii, iyadoo Brentford oo dhowaan soo dalacday ay marti u tahay kooxda ay London ku xifaaltamaan ee Arsenal.

Wiilasha Thomas Frank ayaa horyaalka Premier League-ga ka cayaaraya markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 1947kii, halka Gunners ay isku diyaarinayso olole naadir ah oo aanay qayb ka ahayn kubbada-cagta Yurub.

Brentford manager Thomas Frank celebrates after winning Championship Play-Off Final pictured May 29, 2021

Taageerayaasha qaar ayaa laga yaabaa inay ka cabsadaan inay u safraan, si ay u daawadaan kooxda ay jecelyihiin oo cayaareeysa Covid-19 dartii, laakiin shaki la’aan taageerayaal kale oo faro badan ayaa si weyn ugu soo laaban doona garoomada maadaama xilli -ciyaareedka cusub uu ka bilaabmayo albaabo u furan dadweynaha.

Arsenal manager Mikel Arteta reacts on August 8, 2021

Xilli-cayaareedka 2021-22 ayaa sidoo kale noqon doona mid aan tageerayaasha Gunners ula mid ahayn kuwii hore, maadaama xilli-cayaareedkii hore ay markhaati ka ahaayeen in kooxdoodu ay gabi ahaanba awoodi weysay inay usoo baxdo tartamada Yurub markii ugu horreysay muddo 25 sano ah.

XOGTA CAYAARTOOYDA LABADA KOOX

Arsenal's Thomas Partey receives medical attention on August 1, 2021

Inkastoo ay xiiseynayaan kooxo kale oo heer sare ah, haddana weeraryahan Ivan Toney – oo Brentford ka caawiyay inay soo dallacaan maadaama uu dhaliyay 33 gool oo horyaalka ah xilli ciyaareedkii hore – ayaa weli ku sugan kooxda, tababare Frank ayaana ku rajo weyn inuu taam u noqon doono inuu kusoo bilowdo kulankan.

Goolhaye David Raya – oo hore loola xiriiriyay Arsenal ayaa ka qaylin doona diilinta ganaaxa, daafacyadda saddexda ah ee ka horrreeya ayaa ka koobnaan kara Pontus Jansson, Ethan Pinnock iyo saxiixa cusub Kristoffer Ajer.

Da’yarkii hore ee Arsenal Josh Dasilva ma heli doono fursad uu ku wajaho kooxdiisii ​​hore sababo la xiriira dhaawac sinta ah, inkastoo xiddigaas laga maarmo maadaama kooxda martida loo yahay ee Brenford ay si fiican ugu diyaarsantahay munaasabaddan muhiimka ah.

Dhanka kale, Arteta ayaa waxaa uu wajahayaa walaac dhaawac, kaddib markii uu dhaawac soo gaaray cayaaryahanka khadka dhexe ee Thomas Partey, kaasoo qarka u saaran inuu garoomada seego guud ahaan inta bishan ka dhiman, kaddib markii ay dhibaato kasoo gaartay canqowga kulankii saaxiibtinimo ee Chelsea ay la yeesheen.

Daafaca dhexe Gabriel Magalhaes ayaa weli ku maqan dhibaato jilibka ah oo ku qasabtay inuu ka baxo kulan Olombikada uu u safanayay xulkiisa Brazil, halka Rob Holding uu taam yahay, sidaas darteed Pablo Mari iyo saxiixa cusub ee Ben White waa inay saftaan afarta dambe.

Eddie Nketiah ayaa sidoo kale dhaawac ka qaba canqowga laakiin marna uma tartami doono inuu kusoo bilowdo, halka Albert Sambi Lokonga uu rajeynayo inuu Granit Xhaka kula mataanoobo khadka dhexe.

Kabtanka kooxda Gunners Aubameyang ayaan la fileynin inuu qeyb ka ahaado safka caawa maadaama aanu tababarka ka qeybqaadan 2dii maalmood ee ugu dambeeysay booskiisana waxaa lagu wadaa inuu buuxiyo cayaaryahan Bukayo Saka.

Safka macquulka ah ee Brentford:
Raya; Jansson, Ajer, Pinnock; Roerslev, Janelt, Onyeka, Norgaard, Henry; Mbeumo, Toney

Safka macquulka ah ee Arsenal:
Leno; Soares, White, Mari, Tierney; Xhaka, Lokonga; Pepe, Smith Rowe, Saka; Lacazette

Xogta Kulanka

Garoonka: Brentford Community

Kooxaha: Brentford vs Arsenal

Wakhtiga: 13/08/2021 | 22:00 Habeennimo

Garsoore: Michael Oliver

Abdihakim Olad

Read Previous

Man City Oo Diyaar U Ah Inay Kane Ku Bixiso £127 Milyan

Read Next

Aubameyang Oo Seegaya Kulanka Furitaanka Premier League

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?