Chelsea Oo Iska Diidday Markii Loosoo Bandhigay Lewandowski

Kooxda kubbada-cagta Chelsea ayaa iska diidday fursad dahabi ah oo ay kula saxiixan kartay weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski.

Chelsea ayaa iska diidday fursad ay kula saxiixan lahayd Robert Lewandowski oo keliya loogu soo bandhigay 80 milyan oo yuuro horaantii xagaagan – sida aan kasoo xiganay BILD.

Blues ayaa diidday inay la kulanto qiimaha ay Bayern ku doonayso 32 jirkaan da’diisa darteed, kaddib markii wakiilkiisa Pini Zahavi uu usoo bandhigay.

Lewandowski ayaa hadda u muuqda inuu sii joogi doono Allianz Arena ilaa qandaraaskiisu uu dhacayo sannadka 2023, iyadoo Chelsea ay ugu dambeyn go’aansatay inay qarash gareyso £ 98 milyan si ay Romelu Lukaku dib ugala soo wareegto Inter.

Abdihakim Olad

Read Previous

Aubameyang Oo Seegaya Kulanka Furitaanka Premier League

Read Next

RASMI: Newcastle Oo Arsenal Kala Wareegtay Joe Willock

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?