Aubameyang Oo Seegaya Kulanka Furitaanka Premier League

Kabtanka Gunners ayaa maqnaan doona kulanka ugu horreeya ee horyaalka heerka 1aad ee Ingiriiska, iyadoo kooxda Mikel Arteta ay bilaabeyso xilli-ciyaareedka cusub oo Premier League ah habeenka Jimcaha.

Pierre-Emerick Aubameyang ayay u badantahay inuu ka fadhiisan doono kulanka furitaanka Premier League ee Arsenal ay la cayaareeyso Brentford.

Kabtanka Gunners ayaa ka maqnaa tababarka labadii maalmood ee lasoo dhaafay ee kooxda Gunners lamana filayo inuu ku lug yeesho marka kooxda Mikel Arteta ay bilaabayaan ololahooda 2021-22.

Aubameyang ayaa kasoo muuqday dhammaan lixdii kulan ee Arsenal ay isugu diyaarisay xilli ciyaareedka, laakiin wuxuu ku guuldarreystay inuu hal gool u dhaliyo Gunners.

MUXUU KU MAQNAA ?

Sababta saxda ah ee maqnaanshaha Aubameyang ma cadda, in kasta oo la rumeysan yahay in weeraryahanku xanuunsanaa toddobaadkan.

Aubameyang ayaan ku lug yeelan tababarka isku diyaarinta kulanka furitaanka xilli ciyaareedka, kaasoo 10ka fiidnimo xilli geeska Afrika ka bilaabmaya garoonka Brentford Community Stadium.

31 jirkaan ayaa ku dhibtooday inuu helo qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay kaliya 15 gool 39 kulan oo uu saftay waxaana marka uu soo laabto uu filayaa inuu dib u helo qaabkiisii wacnaa.

Abdihakim Olad

Read Previous

Horudhac: Brentford vs Arsenal | Furitaanka Premier League-ga 2021-2022

Read Next

Chelsea Oo Iska Diidday Markii Loosoo Bandhigay Lewandowski

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?