RASMI: Wiilkii Hore Ee Chelsea Oo Kusoo Laabtay Stamford Bridge

Blues ayaa soo ceshatay xiddigoodii hore oo ay 7 sano kahor iska fasaxeen, balse markan wuxuu kusoo noqday Stamford Bridge isagoo ah mid kamida gooldhaliyayaasha ugu wanaagsan qaaradda Yurub .


Kooxda Chelsea ayaa dhammeystirtay saxiixa weeraryahankoodii hore ee Romelu Lukaku oo ay kala soo saxiixdeen kooxda Inter Milano adduun dhan £ 98 milyan oo ginni, iyadoo weeraryahanka reer Belgium uu mar labaad kusoo laabtay Stamford Bridge kaddib labo sano oo uu joogay Serie A-da Talyaaniga.

Lukaku, oo markii ugu horreysay u saftay Blues intii u dhaxeysay sanadihii 2011 iyo 2014, ayaa u saxiixay kooxda heysata horyaalnimada Yurub heshiis shan sano ah oo uu ku sii joogi doono galbeedka London ilaa sanadka 2026.

Inter ayaa markii hore ka caga jiideysay inay inay iska fasaxdo hanti qaali ah, laakiin ma aysan awoodin inay diido dalabka sarre ee Chelsea iyadoo xiisad dhaqaale ay jirto.

28 jirkaan ayaa hadda si rasmi ah loogu soo bandhigay garoonka Stamford Bridge kahor ololaha horyaalka Premier League-ga ee 2021-22 oo bilaabmaya maalinta Jimcaha.

Abdihakim Olad

Read Previous

Bayern Oo Tolisso Ku Dooneysa Keliya €10 Milyan – Arsenal & United Ayaa Xiisaynaya

Read Next

Van Dijk Oo Heshiis Cusub U Saxiixay Liverpool

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?