Chelsea Oo Aqbashay Dalabkii Ay Roma Kasoo Gudbisay Abraham

Blues ayaa aqbashay dalab ay ku faraxsan yihiin oo uu usoo gudbiyay tababarahoodii hore iyo oo haatan leyliya kooxda Roma ee Serie A-da ka dhisan.


Chelsea ayaa aqbashay dalab ay Tammy Abraham kaga iibineyso Roma oo ku kacaya £ 34 milyan oo ginni taasoo u oggolaan doonta Blues inay dib usoo iibsato xiddigeeda haddii ay u baahato, sida ay Goal qoreyso.

Maareeyaha guud ee kooxda Roma Tiago Pinto ayaa doonaya inuu si dhaqso ah u dhamaystiro heshiiska, iyadoo Edin Dzeko uu qarka u saaran yahay inuu u dhaqaaqo Inter si uu u noqdo beddelka Romelu Lukaku oo ku biiray kooxda Chelsea.

Si kastaba ha ahaatee, weeraryahan Tammy Abraham ayaan weli aqbalin shuruudo shaqsiyeed inkastoo uu la sheekeystay Jose Mourinho isla markaana uu sidoo kale xiiso ka helayo Arsenal.

Roma inuu u wareego waxaa keliya ka horreeya inuu 23 jirkan aqbalo .

Abdihakim Olad

Read Previous

Muuqaal: Daawo Soo Bandhigidii Messi Iyo Shirkiisii Jaraa’id

Read Next

PSG Oo Kalsooni Ku Qabta Inay Sii Heysato Mbappe Kaddib Imaatinka Messi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?