Bayern Oo Tolisso Ku Dooneysa Keliya €10 Milyan – Arsenal & United Ayaa Xiisaynaya

Sida aan kasoo xiganay wargeysyada Daily Mail iyo Bild, Bayern Munich ayaa dooneysa inay iska iibiso xiddiga khadka-dhexe ee Corentin Tolisso, waxaana ay doonayaan inay ku iibiyaan lacag aad u jaban.

Kooxda Bavaria ayaa jeclaan lahayd inay soo ceshato lacag dhan 10 milyan oo euro oo ay markii hore xiddigan kusoo iibsatay, Dhowr kooxood oo Premier League ah ayaa xiiseynaya xiddigan sida Arsenal, Manchester United iyo West Ham.

Kaddib 4 xilli ciyaareed oo uu la joogay Bayern Munich, Corentin Tolisso ayaa lagu wadaa inuu ka tago kooxda Bavaria xagaagan.

Tolisso ayaa inta badan garoomada kaga maqnaa sanadihii ugu dambeeyay dhaawacyo aawadeeda, Tolisso kaliya 57 jeer ayuu kusoo muuqday maaliyadda kooxda Munich.

Abdihakim Olad

Read Previous

PSG Oo Kalsooni Ku Qabta Inay Sii Heysato Mbappe Kaddib Imaatinka Messi

Read Next

RASMI: Wiilkii Hore Ee Chelsea Oo Kusoo Laabtay Stamford Bridge

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?